(Hortabin Media) – Kooxda Al Shabaab ayaa xilligan caddaadis adag ku soo rogtay dadka ku nool deegaanada ay gacanta ku hayaan, sababo la xiriira gulufka ku soo fooda leh.
Kooxda ayaa shacabka u diiday in ay barakacaan, sababo la xiriira, iyaga oo doonaya in ay gabaad ka dhigtaan dadka rayidka ah.
Waxaa sidoo kale ay kooxdu hakisay dhamaan gawaaridii ka bixi jirtay deegaanada ay ka arrimiyaan, iyagoo diidaya in dadka rayidka ah ay barakacaan, isla markaana ka fogaadaan colaada.
Dowladda Soomaaliya ayaa shalay u digtay dadka rayidka ah ee ku sugan meelaha ay ka arrimiyaan Al Shabaab, iyadoo sheegtay in goobahaasi ay ka geysan doonaan weeraro dhanka cirka ah.
Xoogga dagaallada looga soo horjeedo Al Shabaab, ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka dhacaan degmooyinka Galhareeri iyo Ceelbuur, oo ay sanado badan ka talinayaan Al Shabaab, waxaana halkaasi ku dhaqan dad badan oo rayid ah.