Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka ee loo yaqaan CENTCOM ayaa ku dhawaaqay in Mareykanku u adeegsaday dagaalka Iran diyaarado cusub oo masaafo dheer gaaraya. Diyaaradahan ayaa qaab-dhismeed ahaan la mid ah kuwa Iran sameyso ee loo yaqaan “Shahed”.
Marka la eego sawirada la qaaday, waxaa suuragal ah in diyaaradahan ay ku qalabeysan yihiin qalab isgaarsiineed oo dayax-gacmeed-ka ku xiran.
Falanqeeyayaal badan ayaa diyaaraddan qiimaha yar lagu sameeyay ee loo yaqaan “Lucas” ku tilmaamay “koobi sharcidarro ah oo laga sameeyay Shahed-136”, waxayna aaminsan yihiin in diyaaraddan lagu sameeyay hab loo yaqaan “farsamada koobiyeenta,” taas oo micnaheedu yahay in la sameeyay diyaaraddan kaddib markii la baaray diyaarado burburay.
Ugu yaraan dhinaca qaab-dhismeedka, waxaa jira isku ekaansho iyo sida matoorka u sameysan yahay.
Mareykanku si rasmi ah ayuu u xaqiijiyay markii ugu horreysay isticmaalka diyaaradahan lagu weeraray Iran, balse ma uusan sheegin adeegsiga qalabka dayax-gacmeedka ee ku jira qaab-dhismeedkeeda.
Adeegsiga diyaarado ku qalabeysan qalab isgaarsiineed oo ku xiran dayax-gacmeedka ayaa u oggolaanaya in la xakameeyo diyaarada inta ay hawada ku jirto. Haddii diyaaradda lagu rakibo kaamero, hagiddaas waxaa lagu sameyn karaa muuqaal toos ah.
In la carqaladeeyo signallada dayaxgacmeedka ma ahan mid sahlan. Duuliyaha haga diyaaradahan waxa uu ku duulin karaa joog hoose si uu uga fogaado in radaarada qabtaan. Tani waxay aad u adkeyneysaa in la qabto ama la burburiyo diyaarad noocaan ah.
