Ciyaaryahankii hore ee Arsenal Aaron Ramsey ayaa ka tagay kooxda Juventus ka dib markii labada dhinac ay si wadajir ah ugu heshiiyeen soo af-jaridda qandaraaskii ka dhaxeeyay.
Ramsey ayaa la joogay kooxda Juventus tan iyo 2019, inkastoo qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii hore uu amaah kula joogay kooxda Rangers.
Ciyaaryahankan khadka dhexe ah ayaa shan kulan oo kaliya u saftay kooxda Juventus, waxaana uu haatan ugaarsi u gali doonaa koox cusub xagaagan.