Soomaaliya waxay gashay marxalad cusub, ka dib markii uu dalka soo gaaray markab Turkigu leeyahay oo sahaminaya shidaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa dhalisay doodo waaweyn: dadka qeybtood waxay arrintan u arkaan guul WEYN oo soo food leh, halka kuwa kale ay ka digayaan halis qarsoon. Haddaba, shidaalka Soomaaliya ma “barako” ayuu noqon doonaa mise “balaayo”?
Dhinaca Kowaad: Shidaalku Waa Fursad Dahabi ah
Dadka taageersan soosaarista shidaalka waxay ku doodayaan in tani tahay fursad mar-la-arag ah oo sina loo seegi karin. Soomaaliya waa dal leh khayraad dabiici ah oo badan, laakiin aan weli si buuxda looga faa’iidaysan. Haddii shidaal la helo, dhaqaalaha dalka wuu kobci karaa, shaqooyin cusub ayaa la abuuri karaa, adeegyada bulshada, sida caafimaadka iyo waxbarashadana, waa la horumarin karaa.
Intaas waxaa dheer, dakhliga ka soo baxa shidaalka wuxuu ka caawin karaa dawladda inay noqoto mid iskufilan oo aan ku tiirsanayn deeqo shisheeye. Taasi waxay sare u qaadi kartaa madaxbannaanida siyaasadeed iyo awoodda qaranka.
Dhinaca Labaad: Casharka ‘Niger Delta’
Si kastaba ha ahaatee, dhinaca kale waxay na xasuusinaysaa tusaalaha ‘Niger Delta’ ee dalka Niger. Inkastoo ay tahay meel shidaal badan laga helo, haddana dadka degaanka intooda badan ma helin faa’iidadaas. Halkii horumar laga filayay, waxaa ka dhacay faqri, musuqmaasuq, iyo burbur degaan.
Dadka dhaliilsan qorshaha shidaalka Soomaaliya waxay ka digayaan in haddii aan la helin nidaam adag oo daahfuran, Soomaaliya ay ku danbayn karto xaalad la mid ah ‘Niger Delta’. Waxay, sidoo kale, tilmaamayaan in khilaaf siyaasadeed iyo mid qabiil uu sii kici karo marka la helo khayraad lacageed oo weyn.
Guul lama Gaaro Haddii aan loo Diyaargaroobin
Marka labada dhinac la eego, aragtidaydu waa mid dhexdhexaad ah laakiin feejigan: shidaalku laftiisu ma aha guul. Waa aalad, waxaana go’aaminaya sida loo adeegsado.
Haddii Soomaaliya ay marka hore dhisto hay’ado adag, hirgeliso sharciyo cad, oo ay hubiso in dakhliga si caddaalad ah loo qaybsado, shidaalku wuxuu noqon karaa guul taariikhi ah. Laakiin haddii la degdego iyadoo aan la diyaarsanayn, waxaa jirta khatar ah in taariikhda Niger Delta dib loo soo celiyo.
Khayraadka iyo “Resource Curse”
Marka laga baxo tusaalaha Niger Delta, waxaa jira dalal kale oo muujinaya halista khayraadka dabiiciga ah. Dalalka sida Venezuela iyo Libya ayaa leh shidaal badan, balse wali waxay la daalaa dhacayaan xasillooni darro iyo burbur dhaqaale. Venezuela, oo ahayd mid ka mid ah dalalka ugu qanisan Latin America, maanta waxay wajahaysaa sicirbarar aad u sarreeya iyo saboolnimo baahsan, inkastoo ay leedahay kayd shidaal oo aad u weyn.
Sidoo kale Libya, oo leh khayraad shidaal oo badan, waxay ku dhacday dagaal sokeeye iyo kala qaybsanaan siyaasadeed. Tani waxay caddeyn u tahay in shidaalku uusan keligiis keeni karin horumar, balse uu u baahan yahay nidaam siyaasadeed oo xasilloon iyo maamul hufan.
Dhanka kale, waxaa jira tusaalooyin togan sida Norway, oo si xigmad leh u maamushay shidaalkeeda, kuna dhistay sanduuq dhaqaale oo loogu talagalay jiilalka mustaqbalka. Farqiga u dhexeeya Norway iyo dalalka kale ma aha shidaalka laftiisa, balse waa nidaamka dowladeed, daahfurnaanta, iyo isla xisaabtanka.
Xaaladda Gaarka ah ee Soomaaliya
Soomaaliya waxay leedahay xaalad gaar ah oo ka dhigaysa arrinta shidaalka mid aad u xasaasi ah. Nidaamka dalka ka jira wuxuu si weyn ugu dhisan yahay qabiil, waxaana jira hub badan oo gacanta ugu jira beelah. Tani waxay ka dhigan tahay in khayraad kasta oo cusub uu si fudud u noqon karo isha khilaaf cusub.
Waxaa durba la arkayaa calaamado muujinaya halistaas, iyadoo qaar ka mid ah beelaha ay bilaabeen inay sheegtaan dhulalka lagu tilmaamay inay shidaal ku jiraan. Arrintani waxay keeni kartaa muran dhuleed oo sii ballaaran kara, gaar ahaan haddii aan la helin sharci cad oo qeexaya cidda leh khayraadka iyo sida loo qeybsanayo.
Haddii aan si dhab ah loo maarayn, shidaalsoosaaristu waxay noqon kartaa sabab cusub oo colaado hor leh dhalisa, halkii ay ka noqon lahayd mid midaysa shacabka. Taariikhda Soomaaliya ayaa hore u muujisay sida khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa qabiil ay u horseedi karaan burbur weyn.
Khataraha Degaanka iyo Dhaqaalaha
Marka laga soo tago siyaasadda, waxaa jira khataro kale oo muhiim ah. Shidaalqodistu waxay saamayn weyn ku yeelan kartaa degaanka, gaar ahaan haddii aan la ilaalin heerarka badbaadada. Soomaaliya oo leh xeeb dheer iyo khayraad kalluumaysi oo muhiim ah, waxay halis ugu jirtaa wasakhow haddii shidaalka si xun loo maamulo.
Sidoo kale, dhaqaalaha dalka wuxuu halis ugu jiraa inuu ku tiirsanaado hal il oo dakhli ah. Tani waxay keeni kartaa in la dayaco qeybaha kale sida beeraha, xoolaha, iyo ganacsiga, kuwaas oo ah lafdhabarta dhaqaalaha Soomaaliya. Haddii qiimaha shidaalka caalamka uu hoos u dhaco, dhaqaalaha dalka ayaa si weyn u saamoobi kara.
Gunaanad
Dooddu weli way furan tahay: shidaalka Soomaaliya ma wuxuu noqon doonaa fursad mise halis? Jawaabtu kuma xirna shidaalka laftiisa, balse waxay ku xirnaan doontaa hoggaanka, nidaamka, iyo go’aannada la qaato maanta. Soomaaliya waxay haysataa fursad ay kaga duwanaan karto kuwa kale, laakiin taasi waxay u baahan tahay feejignaan iyo qorshe cad.
Ugu danbayn su’aashu ma aha oo kaliya in shidaal la helo, balse waa in la hubiyo in uu noqdo mid mideeya shacabka, horumariya dalka, kana fogeeya colaadaha. Haddii taas la waayo, waxa dhici karta in khayraadka la filayay in uu noqdo badbaado uu noqdo caqabad kale oo culus.
