Xuutiyiinta Yemen ayaa ku hanjabay in ay aarsan doonaan ka dib markii weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay lagu dilay Ra’iisul Wasaarihii kooxdaas Axmed al-Rahawi iyo wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa.
Weerarkan oo dhacay 28-kii bishan Agoosto 2025 ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla xaafadda Beit Baws ee magaalada Sanaa, halkaas oo madaxda Xuutiyiinta ay ku lahaayeen kulan sannadeed.
Dhacdadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah weerarradii ugu culus ee lagu bartilmaameedsado hoggaanka sare ee Xuutiyiinta tan iyo markii ay dagaalka kaga biireen gobolka, inkasta oo al-Rahawi la tilmaamay inuusan si toos ah uga mid ahayn hoggaanka militariga ee kooxda.
Madaxa Golaha Sare ee Siyaasadda ee Xuutiyiinta, Mahdi al-Mashat, ayaa muuqaal uu baahiyey ku sheegay in ay u aarsan doonaan dhiigga madaxda, isla markaana waxa uu ballanqaad u sameeyey shacabka Yemen iyo qoysaska dhibbanayaasha.
Sidoo kale Waxa uu shirkadaha caalamiga ah u diray digniin ah in ay isaga baxaan Israa’iil ka hor inta aan goor dambe la gaarin,taas oo loo fasirtay digniin muujinaysa in kooxda ay kordhin doonto weerarrada ay ku qaadaan danaha Israa’iil ee gobolka.
Dilka al-Rahawi ayaa ku soo beegmay xilli Israa’iil ay kordhisay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta, iyada oo bartilmaameedyo cusub ka dhigtay hoggaamiyeyaasha sare halkii ay horay diiradda ugu saari jirtay kaabayaal iyo goobaha kaydka hubka.
Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in tallaabadani ay ujeedadeedu tahay in la wiiqo awoodda siyaasadeed ee Xuutiyiinta, hase yeeshee ay sidoo kale kicin karto dagaal sii xoogaysta iyo weerarro aargoosi ah oo ka dhan ah Israa’iil.
Maamulka Xuutiyiinta ayaa si degdeg ah u magacaawday Maxamed Axmed Miftaax inuu noqdo Ra’iisul Wasaare ku-meel-gaar ah, taasoo muujinaysa in kooxda aysan doonaynin in ay abuurto farqi hoggaamineed, inkasta oo ay lumiyeen mas’uuliyiin sare.