Sanad walba 20 march waxaa dunida laga xusaa maalinta caafimaadka afka iyo ilkaha, si kor loogu qaado wacyiga bulshada ee la xiriira caafimaadka afka iyo ilkaha.
Gudaha Muqdisho, ayey xilligan ku soo badanayaan dadka la il daran xanuunada ku dhaca afka iyo ilkaha, sida uu Warbaahinta la wadaagay Dr Suldan Abdi Isak oo ku taqasusay xanuunada ku dhaca Afka iyo Ilkaha.
Dr Suldan oo ka howlgalla xarunta Diamond Dental Clinic, ayaa sheegay in maalin walba ay qaabilaan bukaano la il daran xanuunada ku dhaca Afka iyo Ilkaha, taas oo bidhaamineysa saameynta ay xanuunadan ku hayaan Bulshada.
Xanuunada ku dhaca Afka iyo Ilkaha ayaa laga xusi karaa, Suuska, Cirid-dhiigga, iyo xanuuno kale, kuwaas oo qofka uu asiibo ku sababi kara khataro caafimaad oo baaxad leh, sida uu Dr Suldan Sheegay.
Dr, Suldan oo ka faa’iideysanaya munaasabada maalinta Oral Health Day, ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ka fekraan caafimaadka afkooda, isagoo ku wargaliyey in ay joogteeyaan cadeyga, isla markaana ay la xiriiraan dhaqaatiirta ku taqasustay xanuunadan oo kale.
Dr Suldan ayaa ka howlgala xarunta Diaomond Dental Clinic oo ah xarun lagu daweeyo xanuunada ku dhaca Afka iyo ilkaha, waxaana xaruntan ay qeyb ka tahay xarumaha heeganka ah ee bulshada ugu jira kaalin muhiim ah, maaddaama ay had iyo goor dhaqaatiirta ka howlgasha xaruntan ay bixiyaan talooyin caafimaad, iyagoo adeegsanaya baraha bulshada.