Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada gole ee BSF ayaa ka qeybgalay salaatul janaasa ww lagu tukaday Meydka Alle ha u naxariistee Senitor Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo dhowaan ku geeriyooday Dalka Turkiye.
Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo isna hadlay ayaa yiri “Senoter Gaagaab waxaa uu ahaaa wadani dalkiisa iyo dadkiisa jecel muddo dheerna u soo shaqeeyey”.
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Mudane Fiqi oo ka hadlay dukashada salaatul janaasada kadib ayaa yiri”Senoter Gaagaab waxaa uu ahaa qof qiimo badan oo wanaag lagu yaqaan.
Xubnaha labada gole waxa ay marxuumka Ilaah uga baryeen in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa,iyagoo umadda Soomaaliyeed iyo saaxiibadii iyo qaraabadii uu ka baxayna u rajeeyay samir iyo iimaan