Waxaa ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwo ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool, isku soo dhiibay xubin ka tirsanaa Kooxda Al Shabaab.
Ninka isi soo dhiibay ayaa lagu magacaabaa Saciid Moogow Madey. wuxuuna muddo aad u dheer ka tirsanaa kooxda Al Shabaab.
Saciid Moogow, ayaa sidoo kale gacan yare u ahaa horjooge lagu magacaabo Cabdiraxmaan Garweyne oo Al Shabaab u qaabilsan Gobolka Hiiraan.
Waxaa maalmihii ugu danbeeyey soo kordhayey dagaalyahanada ka soo goosanaya Al Shabaab ee isku soo dhiibaya ciidamada dowladda, waxaana la xasuustaa in toddobaadkan gudihiisa ay isi soo dhiibeen in ka badan 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda.
Al Shabaab ayaa caddaadis adag kala kulmeysa dowladda, waxaana la xanibay akoono badan oo ay ku jireen lacagaha ay dadka ka qaataan, taas oo curyaamisay hannaankoodii dhaqaale.