Laba duuliye oo ka tirsan ciidamada badda ee Mareykanka ayaa Axadii diyaarad dagaal oo ay saaraayeen lagu soo riday dusha Badda Cas, sida uu sheegay millatariga Mareykanka.
Mareykanka ayaa dhacdadaas ku tilmaamay fal ka dhashay wax uu miltariga Mareykanka ugu yeeray “weerar saaxiibtinimo.”
labada askari ayaa nolol lagu helay, iyadoo mid ka mid ah uu soo gaaray dhaawac, waxaana arrintani ay tahay khatar soo korortay.
weerarkan waxaa fulisay kooxda Xuutiyiinta Yamen, ee ay taageerto Iran, waxaana arrintani ay tahay khatar ku xeeran marin biyoodka badda Cas, halkaas oo maraakiibta isticmaalaya ay weerar xooggan ku qaadaan kooxda Xuutiyiinta.
Halistan ayaa imaaneysa iyadoo Badda Cas ay gaaf wareegayaan ciidamada isbaheysiga milatariga Mareykanka iyo Yurub, waxaana dhacdadani ay timid saacado ka hor xilli uu Mareykanku duqeymo la beegsaday kooxda Xuutiyiinta Yamen.