Abdurrahim Yörük, oo ahaa muwaadin Turki ah, isla markaana la shaqeynayey Hay’ad Samafal ayaa ka mid ahaa labbo qof oo lagu dilay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho.
Qaraxan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Weydoow, gaar ahaan meel u dhaw xeryaha barakacayaasha ee halkaasi ku yaalla, waxana qaraxa uu ahaa miinada nuuca dhulka lagu aasso.
Muwaadinka Turkiga ee la dilay ayaa ahaa wakiilka Soomaaliya ee hay’adda Verenel Association, waxaana geeridiisa ay noqotay mid hadal heyn badan abuurtay, maaddaama uu ahaa shakhsi sama fale ah.
Muwaadinkan Turkiga ah ayaa qorsheynayey inuu bisha soon-qaad afuriyo Soomaali tiradoodu lagu sheegay 2-boqol oo kun, kuwaas oo u badan Barakacayaal, balse waxaa noloshiisa soo afjaray qaraxii lala eegtay, kaas oo ay masuuliyadiisa sheegteen Al Shabaab.
Dhanka Dowladda Soomaaliya Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka Türkiye Mudane Alper Aktaş uga tacsiyeeyay geerida muwaadinkan Turkiga ah.