Laascaanood oo ah Sumad u taagan isku xirka Midnimada Gobollada Waqooyi iyo kuwo Koonfureed ee Soomaaliya, Booqashadii Xamse Cabdi Barre uu halkaasi ku tagay waxey u ahayd maalmo xasuus mudan oo meertada taariikhda Bulshada SSC Khaatumo aan marnaba quluubtooda ka bixi doonin.
RW Wasaaraha oo cod dheer ku sheegay rasmi ahaanshaha Maamulkaasi dhawaan galka ah iyo casuumadii uu u fidiyey taa u saamaxeysa ka qeyb galka shirka madasha wadatashiga qaranka, oo ay matalaad ku yeelanayaan, waa weedho la wada sugayey oo si weyn ay ugu riyaaqeen shacabka Soomaaliyeed.
Inkastoo Xamse Cabdi Barre uu fulinayey Qorshe ka yimid VIlla Soomaaliya, haddana wuxuu dhibco siyaasadeed ka helay raggii ku heybta ahaa ee kursiga uga horeeyey, kuwaa oo walaac ka muujiyey in khaatumo ay keenaan miiska lagu gorfeynayo masiirka ummada Soomaaliyeed.
Balse dadka odorasa Siyaasada ayaa tilmaamaya in odhaahdii Xamse ayaanan ku filneyn in Khaatumo uu noqdo maamul Buuxa, waxaase ku horgudban dhowr caqabad oo laga xusi karo deegaannada SSC ee uu maamulku gacanta ku hayo oo ah kuwo kooban., taa oo lidi ku ah dastuurka dalka gaar ahaan awoodda noqoshada maamul goboleed dhameystiran.
Qodobkan oo ah mid culeyskiisa wata, ayaa ah sharuuda la hor dhigay khaatumo kaas oo ku xanbaarayaa in ay daadaal u gasho sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahayd deegaanada ka maqan, maaddaama ay arrintaasi u ballanqaadeen RW.
Hase ahaatee Khaatumo ayaase ballan-qaadka ka hor dowladda dhexe ka dalbatay in laga taageero dhanka ciidamada, iyo qalabeyntooda, taas oo ay dowladduna sheegtay in ay garab istaag ka muujin doonto.
Sida la filayo qodobkan ayaa dhaawac ku noqon doona in xasilooni ay ka dhaqan gasho Khaatumo iyo Somaliland dhexdooda, maaddaama Khaatumo ay iminka gucla orad u galeyso gacan ku soo dhigida deegaanada ka maqan si ay maamul dhameystiran u noqoto.
Somaliland iyo Puntland oo siyaabo kala duwan u sheegta deegaanada khaatumo, ayaa la rumeysan yahay in arrintan ay kala kulmi doonaan caddaadiska ugu daran.
Waxaana Puntland goor sii horeysay ay beenisay wararka sheegaya in ay joojisay duulimaadka diyaaraddii Laascaanood geysay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre.
Bayaankan oo ay soo saartay Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa lagu tilmaamay eedeymahaasi kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
Dhinaca Somaliland Socdaalka RW ee Laascaanood wuxuu ku noqday utun ay ka ladi waayeen, waana mid maja xaabinaya dadaalkooda ku wajahan gooni isku taagga, inkastoo xukuumadda Hargeysa ay qaadacday safarka Xamse ee Laascaanood, haddana waxaa fariin mida iyaga ka timid u dhiganta diray qaar ka mid ah xildhibaanada Somaliland ku matala labada aqal ee Barlamanka.
Xildhibaanadan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si adag uga hor yimid casuumaad uu madaxweyne Xasan Sheekh uu u fidiyay Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), si uu uga qayb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu qabanayo Muqdisho, waxaana xildhibaanadu ay sheegeen in hadalka Ra’iisul Wasaaraha uu yahay mid dhaawacaya hannaan-dhiska dowladeed, isla markaana sii hurinaya colaadda Gobolka Sool
Haddaba Tallaabada lagu aqoonsaday SSC Khaatumo oo ah maamul aan dhameystirneyn maxaa ka dhalan kara?
Arrintan ayaa soo de dejin karta caqabado kala duwan oo la xiriira nidaamka matalaada ee qabaliga Soomaalida ah, waana mid abuureysa jawi kale oo siyaasadeed oo aqoonsi loogu raadinayo deegaano iyo gobollo ay ka mid yihiin Hiiraan iyo Banaadir.
Shacabka Hiiraan oo muddo badan qabay tabasho ku wajahan Hirshabelle, ayaa la saadaalinayaa in iyaguna ay miiska iman doonaan, halka bulshada caasimadda ay iyaguna furi doonaan dooddo culus oo ku wajahan meeqaamka Gobolka Banaadir.
Geesta kale dad badan ayaa is weydiinaya maxaa xiligan ku soo beegmay lexo jeclida dowladda dhexe ee SSC Khaatumo?
Sida la rumeysan yahay dadaalada Somaliland ee mudooyinkii ugu danbeeyey xowliga ku socday iyo isku soo dhawaanshaha maamulka Trump iyo xukuumadda Hargeysa ayaa dowladda Soomaaliya ku riixaya in mareykanka ay u muujisay in Waqooyiga Soomaaliya aanay gacanta ku wada heyn Somaliland.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo khudbad ka jeediyay Madasha Diblomaasiyadda ee Antalya, Turkiga, oo ay ka qayb galeen madax badan oo caalami ah, ayaa carabka ku dhuftay in Somaliland ay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, wuxuuna si adag u taageeray Qadiyada Falastiin, isagoo xusay in aanay raalli ka ahayn in dhulka Soomaaliyeed la keeno dadka Falastiin, taas oo ahayd wada hadalo qarsoodi ah oo uu maamulka Trump la galay Somaliland.
Si kastaba deegaanada ay isku hayaan Somaliland iyo Khaatumo ayaa sadaalinayaa in ay cagaha la gali doonaan maalmo adag, waxaana ku hardami doono Somaliland oo u ordeysa dib usoo celinta deeeganada waqooyiga ee faraheeda ka maqan iyo khaatumo oo dadaal ugu jirta gacan ku dhigista deegaanada ay Somaliland ka heysato oo haddii ay hanato u saamaxeysa in ay tahay maamul dhameystiran.