7 September 2022, waxey maalin kale oo adag ay u ahayd Muqdishaawiyiinta, waxaana cishadaasi xafiiska dowladda hoose ee xamar ku soo laabtay Yuusuf Xuseen Jimcaalle Maddaalle, oo xilligaasi mar kale loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.
Shacabka caasimada oo dib u milicsanaya matalaad xumadii ay ka dhaxleen waqtigiisii talada gobolka, ayaa muujiyey niyad jab ballaaran, waxaana dharaartaasi uu gabalku u dhacay iyagoo walaac ka muujinaya xaaladda hubanti laaneyd ee uu gobolku caga la galay, taas oo noqotay mala dhabawday.
Waqtigan boqolkiiba %95 dadka caasimada kuma qanacsana matalaadiisa, sababo la xiriira wax qabadkiisa oo liita iyo kordhinta dakhliga canshuurta rayidka laga qaado, iyadoo aysan jirin adeeg bulshada dib loogu soo celinayo, halka marka ay bulshadu warbaahinta ka cabatana ay kala kulanto xafiiskiisa handadaad iyo caga jugleyn.
hase ahaatee sida muwaadin walba uu kuu sheegayo Matalaadda Madaalle ayey shacabka ka dhaxleen, Jidadka bur bursan, kuwa aan xamila karin biyaha roobka, dhaqaale si joogta ah rayidka looga aruuriyo, iyadoo kolba mashruuc lagu soo ganbanayo, dhul boob uu fuliye ka yahay. iyo sicir bararba waxaana dhamaan qodobadani ay yihiin dhaliilaha adag ee dul hoganaya hoggaanka gobolka ee lagu hungoobay
Balse Madaalle oo aan wax badan ka baran fashilkii hareeyey magacabiistiisii koowaad, qaadeyna dhabihii uu kolkii hore ku ambaday, ayaa iminka culeys adag kala kulmaya Villa Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in ay xilka ka eryaan, arrimo dhowr ah oo jira awgood.
Qorshaha Koowaad ee Madaxtooyada masuuliyada uga xayuubineyso Madaalle ayaa ah in aanu hirgalin karin doorashada dad weyne ee lagu wado in ay caasimadu ka dhacdo bisha June ee sanadka ina soo aaddan 2025.
Sidoo klae Xasan Madaxweynaha dalka ayaa iminka ku baraarugay in Gudoomiye Maddaale aanu u diyaarsaneyn ka shaqeynta qorshahaasi iyo dhaqan galintiisa, sababo ku qotoma dhaliilaha maamulkiisa hareeyey, kalsoonida rayidku ay ku qabaan oo kooban iyo fahamkiisa arrimaha doorashooyinka oo hooseeya.
Sida ay tibaaxeyso Xogta ay Hortabin Media helayso shirarka ina soo aaddan ee gollaha wasiiradu yeelan doonaan ayaa lagu wadaa in xilka looga qaado Gudoomiye Madaalle, waxaana la filayaa in lagu baddelo nin aan magaciisa ka gaabsanay oo ka mid ah qurba joogta saaxiibka dhaw la ah Madaxweyne Xasan Sheekh, waana nin uu Xasan u arko inuu howshaasi ka soo dhalaali karo, lana shaqeyn kara guddiga doorashooyinka ee ay dhawaan meel mariyeen labada golle ee barlamanka.
Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in doorashada dad weyne ee Muqdisho ka dhaceysa bisha lixaad in ay noqoto mid loo riyaaqo oo bar bilaw u noqota doorashooyinka dowlad goboleedyada iyo mida dowladda dhexe, maaddaama ay tahay tan ugu soo horeysa. Waa mid huwan xiiso gaar ah iyo nuxur qeexaya nooca ay doorashooyinka kale ku suntanaan doonaan, taas oo ay Madaxtooyada ku kabsan karto taageerayaal hor leh
inkastoo shaki badan la galinayo qabsoomida doorashooyinkan haddana Sida qorshuhu yahay dadka muqdisho ayaa codkooda ku dooran doona xubno gaaraya 97- qofood, waxaana 97 ruux ay noqonayaan gollaha dhexe ee ay caasimadu yeelaneyso, kuwaas oo iyaguna iska dhex dooran doona gudoomiyaha gobolka Banaadir, iyadoo meesha aanay ka marneyn nidaamkii la dagay Soomaaliya ee awood qeybsiga beelaha ee loo 4.5
Si kastaba dadka Muqdisho oo culeys ballaaran ka dhaxlay ku nagaashaha madaalle ee xafiiska dowladda hoose ayaa waqtigan muujinaya dareen farxad leh, waana kuwa aaminsa in ay yaraan doonaan caddaadiska kala duwan ee kaga imaanaya maamulka Madaalle, oo ku sifeeyeen kii u liitay ee hoggaamiya gobolka.