Ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa ka hadlay soo jeedinta Madaxweynaha Mareykanka, Donal Trump ee la xiriirta in Falastiiniyiinta laga raro marinka Qaza, kaas oo noqday war si aad ah loo hadal hayo.
Af-hayeenka Xamaas Hazem Qasem ayaa ka digay in qorshaha madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, isaga oo tilmaamay in aan la qabsan Karin dhulka Falastiin, isla markaana wax kasta ay u hurayaan sidii ay dhulkooda u bad baadin lahaayeen.
“Qorshaha Trump, wuxuu ku doonaya inuu ku qabsado dhulka Falastiin, mana ahan mid soconaya” ayuu yiri Afhayeenka Xamaas.
Sidoo kale, wuxuu ku baaqay shir madaxeed degdeg ah oo Madaxda dalalka Carabta ay ka yeeshaan qoshaha Trump, maddaama Trump uu doonayo in qorshahan uu ka gado dalalka Carabta.
Dalal badan oo caalamka ah ayaa ka hor yimid soo jeedinta Trump, iyaga oo isku raacay inuusan suuragali karin qorshahaasi, isla markaana Mareykanku uu tallaabadaasi ka baaqsado.