Hoggaamiyaha Xisbullah Naim Qassem ayaa sheegay in kooxda ay isu diyaarisay “isku dhac dheer” oo ay la yeelan doonto Israa’iil, iyadoo labada dhinac ay weli is-weerarayaan.
Khudbad telefishan laga sii daayay ayuu ku daray in Israa’iil ay “la yaabi doonto” waxa ka dhaca goobta dagaalka.
Kooxdan ay taageerto Iiraan ee fadhigeedu yahay Lubnaan ayaa rasaas iyo weerarro isweydaarsanaysay Israa’iil tan iyo 2-da Maarso, markaas oo ay duqeymo cirka ah ku qaaday Israa’iil kadib geeridii hoggaamiyaha sare ee Iiraan Ayatollah Ali Khamenei.
Israa’iil ayaa si culus u duqeynaysa Lubnaan, iyadoo milatarigu sheegay in uu bartilmaameedsanayo kaabeyaasha iyo xarumaha Xisbullah.
