Sida ay sheegayaan xogo kala duwan oo aan helayno, waxaa waqtigan Xildhibaan Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aaden laga hor-istaagay u tartamida kursiga Gudoomiyaha Midawga Afrika.
Xogaha rasmiga ah ee ay Hortabin helayso ayaa sheegaya in Madaxda Dowladda Soomaaliya ay is hortaageen Xildhibaanada oo mudooyinkii ugu danbeeyey u hanqal taageysay kursigaasi.
Sida ila wareedyo lagu kalsoonaan karo ay sheegayaan, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah ugu sheegay Xildhibaan Fawsiya in ay ka harto tartankan kursigan oo doorashadiisu dhaceyso bisha February ee sanadka soo socda.
Kursigan oo ay doonayaan dalal badan oo kuwo Geeska ah ayey wararku sheegayaan in Madaxweynuhu uu kala heshiiyey Kenya, oo ka mid ah dalalka daneynaya kursigan.
Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Madaxweynuhu uu sheegay in loo tanaasulo Jabuuti oo xilkan raadineysa, balse arrintaasi ayaa u muuqata mid marin habaabin ah oo lagu daboolayo heshiiska uu Xasan Sheekh la galay Kenya.
Fawsiya Yuusuf Xaaji Aaden ayaa kal hore xubnaha labada aqal u sheeegtay muhiimada ay qabadahsada jagadan Soomaaliya u leedahay iyo sida ay iyadu ugu diyaarsan tahay qibrad ahaan, waxaana mudooyinkii ugu danbeeyey ay bixisay dadaal aad u fara badan.
Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegaya in kusriga Gudoomiyaha Midawga Afrika lagu baddeshay dano shaqsi, waxaase Barlamanka Soomaaliya laga filayaa inuu arrintan jawaab cad ka bixiyo, isla markaana uu qaado tallaabo dalka lagu badbaadinayo.
Si Kastaba Midawga Afrika, waxaa la aas aasay 1963-dii, waxaase 1999 laga dhigay urur caalami ah, si uu ula tartamo ururada midawga Yurub oo kale ah, waxaana xusid mudan in Soomaaliya aanay waligeed hoggaan u noqon ururkan, taas oo fursad siin karta xildhibaanada.
WQ: Ayaanle Abdirahman Qoyste