Dalka Soomaaliya ayaa galay marxalad dagaal oo culus, waxaana qaar ka mid ah maamullada ka socda dagaallo culus oo uu dhiig ku daadanayo.
Somaliland, gaar ahaan duleedka Laascaanood wax ku dhaw lix bilood waxaa ka soconaya, dagaal ay isaga soo horjeedaan maamulka iyo xoogaga SSC.
Koonfur Galbeed waxaa ka taagan xiisado kala duwan, waxaana todobaadkii la soo dhaafay labbo magaalo oo ka mid ah ka dhacay dagaallo culus, waana magaalooyinka Baraawe iyo Ceelbarde.
Jubaland waxaa ka aloosan xiisad culus oo ka oogan Gedo, halkaas oo ay isku hayaan maamulkii hore iyo kan hadda uu soo magacaabay Madaxweynaha Jubaland.
Hirshabelle waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jeyte, kaas oo ku dhawaaqay maamul cusub, maanta waxey ciidamo taabacsan la wareegeen xarumihii dowlad goboleedka Hirshabelle uu ku lahaa Hiiraan.
Galmudug qeybo ka mid ah waxaa ka socda dagaal beeleedyo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Puntland oo ugu danbeysay shalay waxaa xarunta maamulkaas ee Garoowe ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo kuwo taabacsan siyaasiyiinta mucaaridka.