Xiisadda u dhaxeysa Dalalka Yukrayn & Kuuriyada Waqooyi ayaa sii korortay kaddib markii Madaxweyne Volodymyr Zelensky uu sheegay in ay ciidankiisa gacanta ku dhigeen labo askari oo dhaawac ah oo ka dhinac dagaalamay kuwa Ruushka.
Marar badan waxa ay Yukrayn sheegtay in ciidamo katirsan kuwa Kuuriyada Waqooyi ay ku biireen dagaalka Ruushka uu ku qaaday Dalkaas balse Kyiv masoo bandhigin caddeymo lagu dhiirran karo oo muujinaya eedahaas.
Isbitaal amnigeeda aad loo adkeeyo oo ku yaalla Caasimadda Yukrayn ayaa lagu daweynayaa labadaan askari oo mid kamid ah sawirkiisa lala wadaagay Warbaahinta, mana jiro war kasoo baxay Kuuriyada Waqooyi & Ruushka oo ay uga hadleen arrintaan.
Dagaalka Ruushka uu ku qaaday Yukrayn waxaa ku biiray dalal ka badan oo ka baxsan labadaan waddan, Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka iyo Dalal kale ayaa dhinac taagan Yukrayn halka Xukuumadda Moscow lagu eedeeyay in ay kaashaneyso Kuuriyada Waqooyi, Iiraan & Kooxo kale oo Calooshood u shaqeystayaal ah.