Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya waa mid cakiran oo aan waqtigan caga badan ku taagneyn, waxaana taasi sabab u ah qorshaha doorasho ee ay la soo ban baxday Villa Soomaaliya, kaas oo ay dooneyso in looga gudbo doorashooyinkii dadbanaa ee lagu soo caana maalay.
Balse doorashada qof iyo codka ah ee ay xusul duubka ugu jirto Madaxtooyada, waa mid u liqmi weysay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaridka, oo iyaguna ku doodaya in Villa Soomaaliya ay damacsan tahay muddo kordhin, dib u dhigta baratanka doorashada.
Jubaland oo qabsatay doorasho dadban oo iskeed ah, iskana diiday doorashada Villa Soomaaliya ay ku taameyso, waa halka waqtigan weydiimaha adag ay ka imaanayaan, waxaana ka taagan deegaanada maamulkaasi xiisada ka dhalatay doorashooyinka la isku maandhaafay.
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaarihiisa Xamse waa kuwa ay ka go’an tahay meel marinta doorasho dad weyne oo dalka ka hirgasha halka Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubaland dhankiisa ay adag tahay inuu ka tanaasulo doorashadii dadbaneyd ee uu ku soo baxay, taas oo durba abuurtay hardan adag.
Toddobaadkii aynu ka gudubnay dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo badan ku daabushay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose, taas oo 274 kilometer dhanka koonfurta kaga beegan magaalada Kismaayo, oo ah halka ay taallo awooda xukun ee Axmed Madoobe.
Dowladda oo qarineysa hadafkeeda ku aaddan adeegsiga awood ciidan oo ka dhan ah Jubaland ayaa tagida deegaanadaasi ku macneysay mid ay kula wareegayaan saldhigyadii ay baneeyeen ATMIS, Balse hoggaanka Jubaland oo dareen colaadeed qaba ayaa muddo 15 casho ah u qabtay ciidamada dowlada dhexe in ay kaga baxaan Raaskambooni.
Sidoo kale dowladda ayaa xoog badan galisay sidii ay u kasban lahayd ciidamada taabacsan Axmed Madoobe ee Jublanad, iyadoo la adeegsanaya in la qarameeyo ciidankasi, xuquuqdoodana la siiyo, waxaana maalmihii aynu ka soo gudubnay suura gashay in boqolaal ciidan ay isku soo dhiibaan ciidanka dowladda dhexe ayna faarujiyaan garabka hoggaamiyaha Jubaland,.
Dowladda Soomaaliya ayaa geeska kale hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee magaalooyinka Nairobi iyo Kismaayo, sababo la xiriira xiisadda kasii dareysa, iyadoo jubaland dhankeedana ay jartay khadkii isgaarsiinta ee magaalada Raaskabooni.
Si kastaba dadka la socda Siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in xaaladda muuqata ay horseedi karto colaad soo deg degta, taas oo dhibaato ku ah hannaanka geedi socodka nabada Soomaaliya, waxaana qubaradu ay ku talinayaan in dhinacyadu ay isku yimaadaan miiska wada hadalka.