Gudaha Magaalada Garoowe waxaa maanta laga dareemayaa xiisad ba’an oo halkaasi ka ooggan, taas oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan maamulka.
Hogganada ciidamada ayaa isku qabtay sugida amniga Garoowe, waxaana laga cabsi qabaa in saacadaha soo socda uu dhaco dagaal ay isaga soo hor-jeedaan.
Saraakiisha Ciidamada Danab ee Puntland iyo kuwa madaxtooyada maamulkaasi oo ay xiisadan ka dhex aloosantay, ayaa iminka gacanta ku kala haya meelo muhiim ah oo ka tirsan gudaha Garoowe.
Xiisadooda waxey ku soo beegantay, xilli uu furmay kalfadhiga 52-aad ee barlamanka Puntland, kaas oo ay muhiim tahay in masuuliyad la iska saaro sugida amnigiisa.
Maalmihii ugu danbeeyey gudaha magaalada Garoowe oo xarun u ah maamulka Puntland waxaa ka dhacayey falal amni darro, iyadoo dhowr jeer ay ku dagaallamee ciidamo kala matala maamulka iyo siyaasiyiinta mucaaridka maamulkaasi.