Maanta waxaa Magaalada Baladweyne ka taagan xiisad aad u culus, taas oo ka dhalatay xil ka qaadistii lagu sameeyey Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte.
Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe, ayaa xilka looga qaaday Cali Jeyte, waxaase taasi ka soo horjeestay dadka Hiiraan.
Shacabka Baladweyne oo arrintaasi ka careysan ayaa maanta dhigay dibadbax, si u muujiyaan dareenkooda ku aaddan, xil ka qaadista lagu sameeyey Gudoomiyihi gobolka Hiiraan.
Cali Jeyte ayaa lagu xasuustaa inuu kaalin weyn ku lahaa billaabaday wajigii labaad ee dagaalka Al Shabaab, isagoo waqti badan ku bixiyey sidii kooxdaaasi looga xoreyn lahaa deegaanno badan oo ka tirsan Hiiraan, taas oo uu ku guuleystay.