Magaalada Baladweyne waxaa 48-dii saac ee ugu danbeysay ka taagan xiisad dagaal, waxaana magaalada isku haya masuuliyiinta maamulka Hirshabelle uu u magaacabay Baladweyne iyo xubno kale oo wada maamul la magac baxay Hiiraan State.
Dhinacyada waxaa shalay magaalada ku dhex maray dagaal khasaare kala duwan geystay, waxaana gudaha Baladweyne si aad ah looga hadal hayaa xiisadan.
Dagaalka dhinacyada dhex maray ayaa yimid, kadib markii Xubno katirsan hoggaanka sare ee Maamulka Hiiraan State ee aan aqoonsiga heysan ay billaabeen diyaar garowga munaasabad ay ugu dabaal degayaan markii la aas aasay maamulkan la magac baxay Hiiraan State, taas oo ay ka biyo diideen Masuuliyiinta Hirshabelle ku matasha Baladweyne.
Mudooyinkii ugu danbeeyey dadka reer Hiiraan ayaa ku kala qeybsanaa arrimaha siyaasadda, waxaana qaarkood ay taageero u muujinayaan Hirshabelle halka kuwo kalana ay wataan maamul la magac baxay Hiiraan State, kaas oo aanan heysan wax aqoonsi ah.
Si Kastaba xaaladdan ayaa sababi karta amni darro baahsan oo magaalada hareysa, maddaama labada dhinacba ay hubeysan yihiin, waxaase cabsida ugu ba’an wajahaya dadka rayid ah oo colaadaasi ka dhaxlaya khasaare fara badan.