(Hortabin Media) – Magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka, waxaa maalinba maalinta ka danbeysa sii kordhaya xarumaha waxbarashada ee laga furayo, xilli shaki badan laga muujinayo tayada waxbarashada dalka.
Xarumahan oo u badan Iskuulo iyo Jaamacado ayeysan jirin cid dadaal ku bixisa, ogaanshaha tayada ardayda ay soo saarayaan iyo nuxurka daruusta ay bixinayaan.
Arrimahaan ayaa loo sababeynayaan dhibaatada shaqo la’aanayd ee dalka ka jirta, maddaama ay kordhayaan ardayda qalin jabineysa ee aanan heleynin furdadaha shaqo.
Hay’adaha iyo Shiradaha ajaanibta iyo kuwa dalka, ayaa door bidaya dadka wax ku soo bartay qurbaha, maadaama ay dhaliilsan yihiin tayada kuwa dalka wax ku bartay, waana arrin caqabad ku noqotay dhallinyarada maanta ka aflaxeysa xarumaha waxbarashada dalka heerarkooda kala duwan.