Dalka dagaalka sokeeye ragaadiyay ee Jamhuuriyadda Suudaan waxaa ka jira xaalado adag oo dhanka Nolosha ah, qoysas badan oo intooda badan isaga barakacay Magaalada Khartuum iyo deegaannada nawaaxigeeda ah ayaa saldhigtay dhul masaafo ahaan ka fog deegaankooda.
Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ee Fadhigoodu yahay Suudaan ayaa ka qaylo-dhaamiyay xaaladaha adag ay wajahayaan qoysas badan oo aan xitaa heysan goobo ay gabbaad ka dhigtaan, cunno iyo biyo ay cabaan.
Carruurta, Dadka Da’da ah iyo kuwa u nugul dhibaatooyinka sida nafaqo darida ayaa laga digayaa in ay wajihi karaan khatar ay naftooda ku weyn karaan maadaama dagaalladu ay daba-dheeraadeen isla markaana gacantoodu maran tahay.
Waxaa dhowaan fashilmay qaraar Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku doonayay in xabbad-joojin bilaa shuruud ah lagu soo rogo Dowladda Suudaan iyo Kooxda Gurmadka degdega ah ee RSF loosoo gaabiyo inkasta oo Ruushka hor istaagay.
In ka badan 61,000 oo Rayid iyo dhinacyada dagaalamaya ayaa ku naf waayay Dagaallada ka socda Suudaan, dagaallada socda 19ka bil ayaa sal kiciyay kumanaan ruux oo aan xiligaan heysan goobo ay degaan, cunno iyo biyo nadiif ah.