Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tirsan mudanayaasha aqalka sare, ayaa ka hadlay is faham waaga mudooyinkii ugu danbeeyey ka dhex jiray Puntland iyo dowladda dhexe.
Muuse Suudi ayaa masuuliyada khilaafkan dusha uga tuuray Hoggaanka Maamulka Puntland, kaas oo uu ku eedeeyey in ay xagal daacineyso in ay xiriir la yeelato dowladda dhexe.
Muuse Suudi ayaa sidoo kale tilmaamay in Puntland si toos ah ay dowladda uga qaadato dhaqaalihii lagu kabayey miisaaniyada maamulkaasi.
Xaaji Muuse oo ay Hortabin Media la xiriirtay ayaa cod dheer ku sheegay in iminka muhiimad gaar ah la siiyo sidii la isugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada, wuxuuna dalbaday in xalinta khilaafkan guddi loo saaro.
Ugu Danbeyntii Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaalida ayaa soo dhaweeyey in laga gudbo doorasho dadban, isla markaana uu dalku u jiheysto doorasho qof iyo cod ah, taas oo sida uu sheegay in u baahan in laga qabto howl adag si ay u hirgasho.