Naadiga Chelsea ayaa guuldaro xooggan dhabarka loo suray, kulan ay la ciyaartay Kooxda West Ham oo marti lagu ahaa garoonkeeda London Staduim.
Xidiga Nayef Aguerd ayaa gool madax ah, hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa West Ham, daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta, ka hor inta aanu Carney Chukwuemeka ciyaarta ka dhigin baro baro 1-1 ah.
Intii lagu guda jiray qeybtii hore ee ciyaarta Chelsea ayaa heshay gool ku laad, kaas oo uu u tuuray Fernandez, balse waxaa beeniyey goolhaye Alphonse Areola.
Qeybtii labaad ee ciyaarta West Ham ayaa shabaqa ku hubsatay Michail Antonio, waxaana daqiiqado kadib goolkaasi Aguerd la siiyey kaarka casaanka, taas oo West Ham ku qasabtay in ay ku ciyaaraan 10 xidig.
Chelsea oo raadineysa goolka bar baraha, ayaa waxaa daqiiqadii 95-aad ee waqtiga dheeriga quusiyey Lucas Paqueta, taas oo natiijada ka dhigtay in 3-1 ay ku awood roonaato West Ham.
Chelsea oo si fiican xaggaagan uga soo kalluumeysatay suuqa kala iibsiga, ayaa ilaa iyo iminka wax guul ah gaarin, labadii kulan ee horyaalka Ingiriiska ee ay ciyaartay.