(Hortabin Media) – Booliska Soomaaliya ayaa muddo toddobaad ah xabsiga ku haya Weriye Maxamed Ibraahim Bulbul, kaas oo aan weli la hor keenin wax maxkamad ah, xabsigana la isaga hayo.
Weriyaha ayaa la xiray kadib markii uu tabiyey, xog ku aaddan lacago laga lunsaday boolis Soomaaliyeed, kuwaas oo ka qeyb galay siminaar ay midawga yurub u qabteen saraakiil ka tirsan booliska.
Weriye Maxamed Ibraahim Bulbul ayaa si uu u gudbiyo xogtan adeegsaday ilo wareedyo ka tirsan saraakiishii xuquuqdooda la duudsiiyey ee ka qeyb gashay siminaarkaas, kuwaas oo ka dalbaday saxafiga inaanu magacooda isticmaalin.
Booliska ayaa markii ay xireen Weriye Bulbul, waxa ay ku amreen inuu sheego raggii xogtaasi usoo gudbiyey, taas oo ah mid ka baxsan sharciga saxaafada, maaddaama sheegitaankooda ay wax u dhibeyso amnigooda iyo shaqadooda.
Weriyaha oo ilaalinaya sharcigaasi saxaafadeed, ayaa ka dhaga adeegay inuu tilmaamo shaqsiyaadkii la soo wadaagay xogta ku aadan lacagta laga lunsaday saraakiishii ka qeyb gashay siminaarkaasi.
Ehelada Weriyaha oo uu ka mid yahay Aabaha dhalay saxafiga oo warbaahinta la hadlay ayaa xariga wiilkiisa ku tilmaamay mid sharci darro ah, waxaana warbaahinta uu ka soo muuqday isagoo ilmeynaya, taas oo bidhaamineysa heerka xoriyada hadalka uu ka joogo Soomaaliya, iyo dhibaatada ay wajahayaan warfidiyeenada.
Ururada u doodda xuquuqda saxaafada iyo bahda saxaafada Soomaaliya ayaa si isku mid ah u canbaareeyey xariga weriyaha, waxeyna dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.
Si kastaba xariga Weriye Bulbul ayaa qeyb ka noqonaya gobaad faladii 20-kii sano ee la soo dhaafay lagu hayey saxaafada Soomaaliyeed, kuwaas oo dhaxlay dil bareer ah, xariga, jirdil iyo handadaad joogta ah, oo uga imaaneysa marba xukuumadda tallada dalka heysa.
WQ: Ayaanle Qoyste