Wasiiir kuxigeenka Wasaarada gaashaandhiiga XFS iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya Saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Difaaca Maraykanka.
Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka argagixisada.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay sidii loo xoojin lahaa qalabaynta iyo tababarida ciidanka xoogga dalka ee hada ku jira dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.
Wasiiir kuxigeenka Wasaarada gaashaandhiigga XFS Cabdifitaax Qaasim ayaa dowladda Maraykanka uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay garab istaaga dowlada Soomaaliya.