Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa si rasmi ah ula wareegtay qalab loogu talagalay hagista diyaaradaha iyo maamulka hawada, taas oo kaalin ka qaadaneysa amniga hawada Soomaaliya.
Qalabkan oo ay soo iibsatay dowladda Soomaaliya ayaa rakibidiisa waxaa qeyb ka ahaa Hay’adda caalamiga ee duulista rayidka ee ICAO , iyadoo door muuqda uu ku lahaa kanbani talyaani ah oo lagu magacaabo Leonardo.
Munaasabada milkiyada qalabkan Soomaaliya loogu wareejinayey ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Javier Lopez Gonzalez, oo ah Madaxa Mashruuca Howlgallada ee ICAO , kaas oo ka warbixiyey doorkii ay ku lahaayeen howsha rakibida qalabkan.waxa uu yiri “Shantii maalmood ee la soo dhaafay waxaan la shaqeyneynay Dowladda Fedraalka Soomaaliya Waxaan howl ka wadnay qadka laga maamulo diyaaradaha, waan sii ballaarin doonaa tijaabadiisii ugu danbeysay ilaa aan gaarsiino Boosaaso, halkaas oo uu ku egyahay dhamadka mashruucan, dhamaan agabka loo adeegsado howlahan waxaan ku wareejinay Dowladda Federaalka, si ay usii wado maamulida hawadeeda iyo horumarinta qadka laga maamulo diyaaradaha”
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey muhiimada uu qalabkani leeyahay, isagoo xusay in aad loogu baahi qabay.
Maareeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya uu u furmay bog cusub, isagoo intaasi ku daray in dhawaan ay soo kordhin doonaan qalab kale oo casri ah, kaas oo ahmiyada u leh maamulka hawada Soomaaliya.
Munaasabadda dhameystirka qalabkan casriga ah ee lagu hago diyaaradaha iyo maamulka hawada Soomaaliya ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardiwso Cismaan Cigaal iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha Soomaaliya ka caawinayey howsha rakibida qalabkan.