Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay Shirkad farsameysa maandooriyaha iyo raggii ka ganacsanayey.
Warshadan ayaa ku taallay degmada Kaaraan ee waqooyiga Muqdisho, waxaana howlgalka lagu soo qabtay fuliyey ciidamada booliska ee u tababaran sida milatariga, kuwaa oo dhawaan amniga Muqdisho lagu wareejiyey.
Muqdisho waxaa buux dhaafiyey xarumaha lagu iibiyo maandooriyaha, waana sababata sanadihii ugu danbeeyey kordhisay falalka lidiga ku ah amniga.
Maalmihii ugu danbeeyey gudaha Muqdisho dowladda ayaa dagaal culus la gashay maandooriyaha iyo dadka ka ganacsada, waxaana la soo qabtay dad badan oo ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan.