Wareega 16-ka ee koobka kooxaha Yurub ugu weyn ee Champions League ayaa soo dhamaaday toddobaadkan, waxaana loo gudbay wareega quarter-final-ka oo ay iska xaadiriyeen 8-kooxood.
Wareegan oo sanadkan ah mid aad u xiiso badan ayaa waxaa isku aaday kooxaha Arsenal iyo Real Madrid, halka Inter iyo Buyern Munich ay isku aadeen iyagana.
Waxaa kale oo is wajihi doono kooxaha Aston Villa iyo Paris St-Germain, halka Barcelona lagu beegay naadiga reer Jarmal ee Dortmund.
Labad lug ee Wareega quarter-final-ka ayaa la kala ciyaari doonaa 8-9 April halka lugta labaadna la ciyaari doono 16/17 April.
Kooxaha Arsenal iyo Real Madrid, midkii soo baxa ayaa ku dhici doona kooxaha Aston Villa iyo PSG midkii itaal roonaada.
Halka Kooxaha Barca iyo Dortmund midkii adkaada uu ku beegmi doona Inter iyo Buyern kii soo baxa.
Finalka Koobka Champions League ayaa dhici doona 31 bisha May ee ina soo addan, waxaana lagu qaban doonaa dalka Jarmalka gaar ahaan Garoonka Munich Football Arena.