WAXBA HOOYADA SOOMAALIYED IYO CARUURTEEDA IGAMA GALIN,, Hadalkan iyo kuwo kale oo qalafsan waxey ka mid ahaayeen weedho uu Madaxweynuhu ku hadaaqay dabayaaqadii sanadkii tagay, kuwaa oo hadal heyn badan dhaliyey, shacabkana ku abuuray niyad ballaaran.
Hadalka Madaxweynaha ayaa ahaa mid ku soo beegmay, xilli ay dowladdu si xowli ah u waday qorshe ay ku barakicineyso dadka dagen dhulalka danta guud, waxaana isi soo tarayey cabashada, baaqyada iyo fariimaha codsiga ah ee ay waqtigaasi shacabku u dirayeen Xasan Sheekh.
Shaashadaha warbaahinta ayaa soo bandhigayey arday guryihii ay ka jarmaadeen subaxyadaasi ku soo laabtay iyagoo bur bursan, meel ay kulkz cadceeda ka galaana aan heysan cishadaasi hooyooyin ilmeynaya, qaar aqaladoodii lagu bur buriyey iyaga iyo ubadkooda oo dhex hurda, waxana maalmaha adag ay idilkood ku xanbaareen in ay si wadajir ah ugu dhawaaqaan erayadan” MADAXWEYNE HANA BARAKICIN”
Dhamaan dan yartan iyo maatadan cabashada ah, kana rajeynaya madaxweynaha odhaahyo laab qaboojin ah, ayuu Xasan Sheekh ku jawaabay “HADDAAN FOOQ DHISTO CIDNA WAXBA KAMA QUSEEYAAN” weedhahan ayaa noqday kuwa ay bulshadu la anfariirtu, maaddaama ay ahaayeen kuwa aan laga fili karin qof masuul dowladeed ah, hadana haya xilka ugu sareeya dalka.
Sidoo kale Banaanbaxyo iyo diidmo ay muujiyeen dadka guryihii la duminayey degnaa, waxey jawaabtoodu noqotay raasaas nool nool, waxaana iyadoo awood dowladnimo la adeegsanayo la toogtay qaar iyaga ka mid ah, halka kuwa kalana xabsiyo lagu tuuray, taas oo ku suntay in shacabka haba yaraatee laga hor istaagay in ay dareenkooda muujiyaan.
Qorshaha Bur burinta guryaha ee Madaxtooyada, waxaa ku barakacay wax ka badan 5, boqol oo kun oo shacab ah, kuwaas oo weli aan dowaldda ka helin wax turiinsho ah, halka qaarkoodna ay dul saar ku yihiin qoysas kale.
Muqdisho oo horey u marti galisay barakacayaal gobolada dalka uga soo hayaamay daruufo kala duwan, ayaa dib u doorashada Xasan Sheekh mar kale qaabishay kuwo ku barakacay gudaha Caaasimada.
Hadaladii qalafsanaa ee Madaxweynaha ayaa shacabka dhaxalsiisay xanuun ka badan, nabaradii ka soo gaaray bur burintii aqaladii ay ku noolaayeen, iyo dayacii hareeyey, waxaana si la mid ah guryaha halkaasi ku bur buray hankii iyo rajadii ay ka naawilayeen Dowladda uu leyliyo Xasan Sheekh, taas oo sida la rumeysan yahay boqolkiiba 90 lumisay taageeradii bulshada halka dhanka kale Xasan ay siyaasada ku kala irdhoobeen saaxiibadii ugu dhawaa siyaasadda.
Si Kastaba xiligan dadka qaarkood ayaa is weydiinaya su’aal ah sidee ayuu Madaxweynuhu mar kale ku kasban karaa kalsoonidii Shacabka, ilaa intee ayeyna qaadan kartaa, waase weydiin jawaabteedu uu heli karo xasan oo keliya, kuna xiran sida uu uga garaabo weedhihii uu ku hadaaqay iyo danyartii uu barakiciyey, iyadoo aan wax qorshe dib u dejin ah dowladdu u heynin.