(Hortabin Media) – Muqdisho, Magaalo Madaxda Soomaaliya, Wax ka badan 30 sano, waxaa Caasimadan bulshada ku nool cisho walba ay cadceedu usoo baxeysay, iyagoo baqdin ka muujinaya badqabka noloshooda iyo sida ay maalintaasi ku dhamaan doonto, wuxuuna gabalku dumi jiray iyadoo ay tiiraayoonayaan qoysaska qaarkood, kuwaa oo uurkutaalo ka dhaxla falalka amni darro, ee galaafta nolosha kuwii ay jeclaayeen.
Waqtigan Inkastoo Muqdisho ay soo kabaneyso, misana waxaa weli taagan, wal walkii dhanka amniga ee ay shacabku qaabilayeen, muddada dheer, waxeyna caddaadis adag kala kulmayaan kooxda Al Shabaab, oo 15-kii sano ee ugu danbeysay falal amni darro ka fulineysa Gudaha magaalada.
Shacabka ayaa waqtigan walaacii ugu ba’anaa ka muujinaya go’aanka, ka soo baxay hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya, kuwaas oo ganacsatada ku amray in ay ilinka hore ee xarumahooda ganacsi ku xiraan kaamirooyinka sida qarsoon wax u duuba ee CCTV.
Al Shabaab, ayaa fariin lidi ku ah amarkan u dirtay ganacstada iyagoo faray in laga fogaado adeecida awaamiirta dowladda ee arrinta la xiriirta Kaamirooyinka Qarsoon
Kooxda ayaa ganacsatada ugu goodisay in ay beegsan doonaan xaruntii u dhaga nuglaato amarka dowladda, isla markaana kaamirada qarsoon ku xirta ilinka hore ee xarunteeda Ganacsi, waxeyna durba Al Shabaab salaasadii tagtay xilli habeen ah, ay qarax miino la bartilmaameedsadeen Dukaan lagu iibiyo qalabka dhsimaha, oo ku yaalla xaafada Black sea kaas oo CCTV ku xiray ilinkiisa hore.
Dhanbaalkaasi cabsi gelinta ah wixii ka danbeeyey ganacsata ayaa dib u gurtay iyagoo ka dhaga adeegay amarka dowladda, Balse Taliyaha Nabad Sugida Mahad Salaad, oo booqday Suuqa Bakaaraha, ayaa caddaadis ganacsatada ku saaray fulinta go’aanka dowladda.
Taliyaha oo ay ganacsatada Su’aalo kala duwan weydiiyeen ayaa awoodi waayey inuu damaanad qaado amnigooda, taas oo u muuqata arrin xaaladda sii cakireysa.
Taliyaha Sirdoonka Mahad Salaad ayaa bixiyey amar ah in albaabada la isugu dhufto, xaruntii 5 casho gudaheed ku xiran weyso kaamirooyinka sida qarsoodiga wax u duuba,
Walaaaca ayaa xiligan ku batay ganacsatada, kuwaas oo labada dhinacba kala kulmaya caddaadis, noloshooda ay ku waayi karaan.
Qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa go’aankan ku tilmaamay mid halis galinaya nolosha dadka ganacsatada ah, waxeyna hay’ada Sirdoonka ka codsadeen in ay tallaabadan dib u dhigto maddaama aan la joogin waqtigeeda, welina ay taagan tahay saameynta Al Shabaab, kuwaas oo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka geysanaya caasimada.
Dhinaca kale, quburada ku xeeldheer arrimaha Sirdoonka, ayaa si weyn u dhaliilay muujinta joogtada ah ee muuqaalka taliyaha sirdoonka Soomaaliya, taas oo ka fog dhaqamada sirdoonada caalamka, waxaana arrintan sida ay sheegayaan fududeyn kartaa in lala socdo dhaq dhaqaaqa taliyaha sirdoonka Soomaaliya, oo waqtigan ah, shaqsiga gacanta ku haya xogaha ugu muhiimsan ee dalka.
Si Kastaba Caddaadiskan labada dhinac ugu imaanaya Ganacsatada magaalada Muqdisho, ayaa ah arrin aan wax badan ka duwaneyn waayihii adkaa ee sanadaha badan wehelka u ahaayeen dadka Muqdisho, waxaana bulshada caasimada had iyo goor ay dadaal ugu jiraan ka meyrashada waayahaasi inkastoo weli halistii amni ay ku horgudban tahay, isla markaana xilligan ay ku suntan yihiin dharagii labada dhinac ka gubtay.