Siyaasiyiinta Mucaaridka ayaa waqtigan ku howlan, ku dhaqaaqida tallaabo lala fajacay, taas oo gudaha Muqdisho ka abuurtay hadal heyn fara badan, waxana qorshahani uu yahay mid sida ay aamisan yihiin uga ay uga hor istaagi karaan muddo kordhinta ay damacsan tahay Madaxtooyada.
Qorshahan oo ay hor boodayaan Siyaasiyiinta kursiga u hanqal taageysa ee kala ah Madaxweynihii dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakur iyo RW hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ah mid lagu aas aasayo Badbaado qaran, oo ah qorshe Xasan iyo Siyasaasiyiintan ay ku wajaheen muddo kordhintii Farmaajo.
Abaabulka iyo kulamada ku wajahan aas aaska Baadbaado qaran ayaa maalmahan si aad ah looga dareemayaa Muqdisho, Waxaana qorshahan fulintiisa ay siyaasiyiintan u xil saarteen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, kuwaas oo magacyadooda laga xusi karo Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Jacfar iyo Saadaq Joon oo iminka daaha gadaashiisa weli isku qarinaya.
Siyaasiyiintan ayaa ku guuldareystay in mowqif sugan ay yeeshaan, noqdaan mucaarid muuqda oo cudud leh, waxaase iminka taa baddelkeeda ay doonayaan in ay isku muujiyaan qorshahan Badbaado qaran, lagana dareemo dhaqdhaqooda gudaha caasimada.
Mucaaridka ayaa hore u qaadacay doorashada qof iyo codka ah ee ay Madaxtooyada xusul duubka ugu jirto, iyagoo sidoo kalana ka soo horjeestay arrinta la xiriirta iibinta dhulalka danta guud ee ay dowladdu wado.
Xasan Sheekh oo raggan jaal siyaasadeed la ahaa mudadii ay jirtay dowladda Farmaajo, ayaa sanadihii ugu danbeeyey ka xirtay dhagaha, maddaama aanay wadaagin wax dano siyaasadeed ah, waxaana taasi ay siyaasiyiintan ku xanbaartay aas aaska mar kale iyo badbaado qaran, si ay u soo bandhigaan cududooda, isla markaana diidmadooda ay Madaxtooyadu u ayido.
Balse dowladda Soomaaliya oo dhaqdhaaqa iiyo kulamada siyaasiyiintan la socotay ayaa maalmo ka hor soo saartay qorshe ay hubka in lagu dhex wato uga mamnuuceyso gudaha Muqdisho.
Go’aankan Kadib Madaxweynihii hore dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ay tahay arrin aan la aqbali karin, wuxuuna tilmaamay in madaxda dowladda ay yihiin kuwo hubka ugu badan lagu waardiyeeyo, wuxuuna go’aankan ku tilmaamay mid lagu beegsanayo mucaaridka.
Shariifka ayaa sidoo kale duray qorshaha dowladda ee doorashada, taas oo uu ku micneeyey mid marin habaabin ah, oo lagu doonayo muddo kordhin, wuxuuna geesta kale nasiib darro ka muujiyey meesha ay kala joogaan dowladda dhexe iyo maamulada Puntland iyo Jubaland oo iyaguna kal hore diiday doorashada qof iyo codka ah ee ay Villa Soomaaliya ku taameyso.
Si kastaba Shacabka ayaa ah cida Wal walka ugu badan dareemeysa, waxaana su’aalo badan ay iska weydiinayaan amni darada la sii saadaalinayo iyo waxa sanad kadib dhici doona, Hase ahaatee dhinac kale dad badan ayaa ku doodaya in qorshahana ay ku fashilmayaan Mucaaridka, isla markaana aysan Xasan uga akdaan karin Gudaha Muqdisho, waxaana taa baddelkeeda ay qubaradan soo jeedinayaan in xalka doorashada lagu raadiyo wada hadal.