Gulufkii ka dhanka ahaa Al Shabaab ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay, kadib dib u doorashadiisa, wuxuu ciidanka qalabka sida dhaxal siiyey in ay mutaan dharaaro hubanti la’aaneyd, iyo maalmo qaraar oo kala irdheeyey midnimadii iyo cududii ciidanku lahaayeen.
Gulufkan oo ka lib keenidiisa uu rajo badan ka muujinayey Madaxweynaha ayaa iminka ku soconin dar dartii uu ku billawday, wuxuuna noqday mid muddo kooban galaaftay nolosha saraakiil, howl-karnimo ku caanbaxay oo si weyn uga dhex muuqday qeybaha kala duwan ee ciidamada Qalabka sida.
Saraakiishan oo noloshooda ku waayey weeraro noocyo kala duwan ah oo ka yimid dhanka Al Shabaab, ayaa door weyn ku lahaa dhisida mooralka ciidamada iyo dar dar galinta dagaalka lagula jiro Al Shabaab, waana tan keentay in la muujiyo tuhuno kala gedisan, maaddaama wax ka yar sanad iyo 8-bilood nolosha la dhaafiyey in ku dhaw 10 sarkaal oo muhiim ahaa, kuwaas oo dilalkooda uu bidhaamiyey jiritaanka habacsanaan weyn, oo soo de dejisay niyad jab ciidanka dhexdiisa ah.
Haddaba aanu dib u milicsano tagtada meertadii lagu waayey saraakiishaasi iyo khasaarihii xoogganaa ee ka dhashay shirqooladii iyo weeraradii ay Al Shabaab ku ekeeyeen saldhigayada ciidamada ee furimaha hore ee dagaalka.
Soddonkii bishii Sebtembar ee sannadkii 2022 waa markii ay billawdeen dilalka tusbaxa go’ay noqday ee loo geysanayo saraakiisha ugu muhiimsan ciidamada dowladda, waxaana cishadaasi qarax ka dhacay agagaarka degmada Basra oo 30 kiilo mitir dhanka waqooyi kaga beegan Muqdisho, lagu dilay Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Benaadir Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo loo yaqaanay Farxaan Qaroole.
Qaroole oo udub dhexaad u ahaa Booliska caasimada, horena usoo leyliyey ciidamada booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad- ayuu dilkiisa abuuray mahdho ay ka ladi waayeen ciidamada dowladda, maaddaama uu qeyb ka ahaa saarkiisha sida weyn isugu howlayey xaqiijinta amniga caasimada.
Isla sanadkaasi 2022-dii bishii u danbeysay ee December waxaa weerar aan kii Qaroole lagu qaarajiyey wax badan ka duwaneyn sidoo kale lagu dilay Taliyihii Hay’ada sirdoonka iyo Nabad Sugida qaranka gobolka Gedo Cabdiraxmaan Cabdulaahi oo loogu yeeri jiray Bakaal Kooke, kaas oo qarax gaarigii uu saarnaa lagula eegtay nawaaxiga degmada Luuq ee Gobolka Gedo xilli uu safar u sii ahaa dhinaca magaalada Doolow.
Wixii intaasi ka danbeeyey Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaadayaan fariisimada ciidamada dowladda, waxeyna muddo kooban weeraro khasaare kala duwan geystay ku qaaden saldhigyada kala ah: Janaay Cabdalla, Galcad, Ruun-nirgood, Hilowle Gaab, Bud Bud, Coosweyne, Baar-Sanguuni, Xawaadleey, Caad iyo kii ugu danbeeyey oo ay aroornimadii 23 march kula jarmaadeen fariisimada ciidamada dowladda ee deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose.
Dhami weeraradan waxaa lagu waayey saraakiil dhowr ah oo astaan ama horseed u ahaa gulufka looga soo horjeedo Al Shabaab, iyo ciidamo fara badan oo dowladda ka tirsan, kuwaas oo ay dalal kala duwan tababareen.
17-kii Jannaayo ee sannadkii tagay 2023 Al Shabaab ayaa weerar ay ku qaadeen saldhig milatariga Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadleey ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxa ay ku dileen Col Abshir Shataqey oo ahaa waaya arag muddo dheer ku soo jiray ciidamada milatariga Soomaaliya, waxaana weerarkaasi sidoo kale ku geeriyooday ciidamo tiradooda gaareyso 15-askari
Seddex cisho un kadib weerarkaasi 20 kii Janaayo 2023, waxaa dhagaha shacabka Soomaaliyeed ku soo dhacday dhawaqa geerida Gaashaanle Xasan Tuure, sarkaal ka mid ah, taliyayaashii laf dhabarta u ah gulufkii uu Madaxweynuhu iclaamiyey, kaas oo ku magacawnaa taliye ku xigeenka ciidanka kumaandoosta Danab ee ay tababaraan Mareykanka, waxaana isla weerarkaasi ku geeriyooday 25 askari.
Sidoo kale 23-kii march 2023-kii Al Shabaab ayaa weerar culus oo ay ku qaadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee Ruunirgood waxa ay sheegeen in ay ku dileen 193 askari, kuwaas oo qeyb ka ahaa ciidamo tababar ku soo qaatay dalka Turkiga.
Dhabarjabka ugu weyn ee gulufka uu ku baaqay Madaxweynaha la soo darsay ayaa laga xusi karaa xaaladda qaraar ee ay dhaxleen seddexdii kun ee ugu horeysay ciidamadii lagu soo tababaray Eriteriya, kuwaas oo maanta ay ka soo hareen kun askari oo qudha, maddaama badankooda ay qoryaha la dhuunteen, diiwaanka ciidankana laga saaray halka kuwa kalana ay ku geeriyoodeen weeraro lagu qaaday xeryo ay ku sugnaayeen, haba ugu darnaato weerarkii qaraxyada ku bilawday ee 30-kii May 2023 lagu qaaday fariisimadii ay ciidamadasi ku lahaayeen Masagawaay oo sida la rumeysan yahay lagu dilay ciidamadii ugu badnaa ee lagu soo tababaray Ereteriya, waxaana Al Shabaab ay sheegeen in weerarkaasi ay ku dileen askar dhan 73 askari oo lagu soo tabbabary dalka Eritrea oo ay ku jiraan saraakiil iyo taliye horrino, iyagoo qabsaday lix gaari oo nuuca dagaalka ah
Dabayaaqadii Bishii Agust 2023, Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah-macabe) taliyihii Guutada 25-aad ee Cumar Bin Khataab ayaa ‘nolol iyo geeri lagu waayey kadib weerar qaraxyo ku bilawday oo ay Al Shabaab ku qaadeen 26-kii bishaasi seddex saldhig oo ay ciidamada dowladda ku lahaayeen deegaanka Cowsweyne oo ku dhow degmada Ceel-dheer, ee gobolka Galgaduud.
Shaah Ma Cabe ayaa ahaa taliye si weyn uga dhex muuqday furimaha hore ee dagaalka, waxaana si toos ah uga amar qaadanayey ciidamo tiradoodu gaareyso 2,000 oo askari.
Al Shabaab oo war ka soo saartay weerarkaasi waxa ay sheegtay in ay Coosweyne ku dileen ciidamo dhan 178 askari, iyagoo sida ay xuseen si buuxda ula wareegay gacan ku heynta guud ahaan deegaanka Coosweyne.
Abaanduulihii Ururka 18-aad ee Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug) ayaa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaal 6-dii bishii janaayo ee sanadkan dhex maray ciidamada dowladda iyo Al Shabaab, kaas oo ka dhacay buurta Jeexjeex oo u dhow deegaanka caad ee koonfurta Mudug, waxaana weerarkaasi sidoo kale lagu dilay askar gaareysa 11.
Suulnuug oo qeyb ka ahaa saraakiisha mudada dheer baaqiga ku ahaa furimaha hore ee dagaalka, ayey geeridiisu soo de dejisay in ay dib u gurasho sameeyaan ciidamadii ku jiray furimaha hore ee dagaalka Mudug, kuwaas oo deegaano dhowr ah ka soo baxay.
Yaasir Sheekh Maxamed oo loo yaqaan Yaasir Barkaan, ahaana sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Baar Sanguuni, wuxuuna sarkaalkan qeyb ka ahaa saraakiisha hor bodeysa howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaanada Jubaland.
23-kii bishan Kooxda Al Shabaab ayaa aroornimadii subaxaasi weeraro xooggan oo qaraxyo ku billawday ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda leeyihiin deegaanada Dhanaane iyo Aw-Maki ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana halkaasi lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Boliis milataro, kaas oo lagu magacaabayey Liibaan Golcad.
Liibaan Golcad ayaa ahaa sarkaal ku fiican abaabulka ciidanka, waxaana isla weerarkaasi saraakiishii muhiimka ahayd ee ku geeriyootay ka mid ahaa taliye Cabulaahi Yuusuf oo ahaa Taliyihii Sirdoonka Guutada 22-aad ee ciidamada Boliis Milataro.
Dhacdooyinka amakaaga reebay ayaa geesta kale laga xusi karaa, weerarkii toogasha ahaa ee 10 february ee sanadkan ka dhacay xerada Jeneral Gordan ee maagalada Muqdisho, oo gacanta ugu jirta dalka Imaaraadka, oo halkaas ku tababara ciidamo Soomaali ah.
Weerarkaasi oo uu fuliyey askari ka tirsan ciidamada Soomaaliya, oo si hoose ula shaqeynayey Al Shabaab, ayaa lagu dilay 4 sarkaal oo u dhashay Imaaraadka, kuwaas oo ka mid ah macallimiintii tababarka bixinayey.
Weerarkaasi ayaa sida muuqatay walaac badan ku abuuray Madaxweynaha, maaddaama Imaaraadka ay ka mid tahay dowladdaha dhaqaalle ahaan sida aadka ah u taageera Soomaaliya, waxaana weerarkaasi uu keenay in Xerada Gordan laga raro ciidamadii Soomaalida ee lagu soo tababaray Eriteriya oo hore halkaasi ku sugnaa, kuwaas oo iminka la dejiyey xerada Damaanyo oo ka soo horjeeda tan Gordan ee uu weerarku ka dhacay.
mahadhooyinka ay reebeen maalmihii tagay ayaa keenay in Dharaar walba furimaha hore ee dagaalka ay ka yimaadaan dhambaalo dhiilo wata, waxaana muddo kooban ay Al Shabaab dileen, tiro ka badan 800 boqol oo isugu jira ciidamada dowladda iyo xoogaga deegaanka ee macawiisleyda, kuwaa oo kaabayey Ciidanka qalabka sida.
Mudadaasi kooban Al Shabaab waxaa gacantooda galay hubkii iyo gawaaridii ugu badnaa, kuwaa oo gaaraya 200 gawaarida dagaalka ah, iyo booyadaha qaada shidaalka.
Sida quburada amnigu qabaan Hubkan iyo gawaaridan ay Al Shabaab ku furteen weeraradii kala duwanaa ee ay ku soo qaadeen fariisimada ciidamada, ayaa saamixi kara in muddo dheer ay ku filnaadaan Al Shabaab, taas oo qasbeysa in ay ku nagaadaan deeganada ay iminka gacanta ku hayaan, isla markaana keeneysa in ay kooxdu laba jibaarto weerarada ay soo qaadayaan.
Sidoo kale xogaha ay heshay Hortabin ayaa sheegaya in musuq maasuq baaxad leh uu hareeyey saadkii ciidamada dowladda, kaas oo gacanta loo galiyey shirkado dano gaar ah ay ku qabaan shakhsiyaad gaar ah, waxaana xusid mudan in wax baratan ah ama tar taran ah aan la galinin shirkadaha loo xilsaaray masuuliyada saadka ciidamada, taas oo bidhaamineysa heerka takri falka iyo musuqa uu joogo.
Niyad jabka iyo kala daadsanaanta ciidamada ee muuqata ayaa waxaa door weyn ku leh dayaca ku dhacay ciidamadii ku dhaawacmay furimaha hore, kuwaas oo qaarkood ay daruuftu ku kaliftay in ay ka qeylo dhaamiyaan baraha bulshada, si ay u muujiyaan daryeel la’aanta hareysay, balse ma helin jawaabo xaaladadooda lagula tacaalayo, waana mid feejignaan iyo wal wal dheeri ah ku abuurtay ciidanka ku haray furimaha dagaalka.
Sida muuqata Weerarada ay saraakiisha iyo ciidamada tiradaas la eg ku geeriyoodeen oo badankood dhacay hal xilli oo ah aroor hore, ma jirto daruus sugan oo laga bartay, taas oo meesha ka saareysa jiritaanka isla xisaabtan ka hortag u noqon lahaa soo noq noqshada weerarada ceynkaas oo kala ah.
Arrinta kale ee Nasiib darada ugu weyn ah ayey qubaradu ku sheegayaan in gacanta dowladda aanay iminka ku jirin badi deegaanadaasi, oo mooral jabkii ku dhacay ciidamada ay sababeen in dib looga soo baxo, maantana mar kale ay ka arrimiyaan Al Shabaab.
Si kastaba abaabul yarrida, kala shakiga iyo kalsooni darrada ciidamada dhexdooda ah, ayaa fashil ku idleyn karta gulufkii uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay, waxaase arrinta ay qubarada amniga cabsida ka muujinayaan ay tahay in muddo Xileedka Xasan Sheekh uu soo gabgaboobo, iyadoo Al Shabaab ay ka itaal roon yihiin sidii ay ahaayeen ka hor dagalka uu iclaamiyey, taas oo dhaawac ku noqon karta hanka siyaasadeed ee Madaxweynaha Xafiiska jooga.