Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inuu Mareykanka la wareegi doono GAZA, waana hadal daba jooga qorshaha uu Trump la diyaarinayo Israa’iil, kaas oo ah in Mareykanka uu la wareego gacan ku heynta GaZA lana musaafuriyo dadka reer Falastiin.
Trump ayaa bilowgii shirka jaraa’id oo aqalka cad ay wada-jir ugu qabteen isaga iyo Netanyahy, wuxuu yiri; “Mareykanku wuxuu la wareegi doonaa gacan ku haynta Marinka GAZA, waxaana sidoo kale gudan doonaa shaqadayada halkaas, anigoo la wareegi doona mas’uuliyadda burburinta dhammaan bambooyinka aan qarxin ee khatarta ah iyo hubka kale ee goobta.”
Trump ayaa sheegay in Washington ay ka codsan doonto dalalka kale ee deriska la ah inay qaabilaan Falastiiniyiinta ka soo barakacay Qasa. In kasta oo Trump uu marar badan ka codsaday Masar iyo Jordan inay sidaas sameeyaan tan iyo 25-kii Jannaayo, haddana labada waddan iyo waddamada kale ee Carabta ayaa diidday soo jeedintiisa.
Trump ayaa intaa ku daray, “Taas bedelkeeda, waa inaan aadnaa dalal kale oo daneynaya, waxaana jira qaar badan oo iyaga ka mid ah oo doonaya inay sidaas sameeyaan oo ay dhisaan meelo kala duwan oo 1.8 milyan oo Falastiiniyiin ah oo ku nool Qasa ay aakhirka degi doonaan.”
Dadka reer GAZA ka hor duullaanka Israa’iil waxay ahaayeen 2.3 milyan oo qof, si ka duwan tirada uu hadda Trump sheegay.
“Haddii ay lagama maarmaan noqoto, waanu samayn doonaa.” ayuu yiri Trump mar la weydiiyay haddii Washington ay u dirayso ciidamada Mareykanka inay galaan gudaha marinka GAZA.
Carabta, ayaa mar kasta soo bandhigayay si looga baaqsado dagaallada iyo colaadda bariga dhexe , gaar ahaanna Falastiiniyiinta iyo Israa’iil, inay lama huraan tahay dhismaha dawladda Falastiin, balse Trump oo aan dooneyn inuu ka jawaabo, markii la waydiiyay iyadoo aan la barakicin in dhismaha labada dawladood uu xal u yahay colaadda, wuxuu yiri ; “Tani macnaheedu maaha laba dawladood ama hal gobol ama dawlad kale, balse waxa ay la macno tahay in aanu doonayno in aanu dadka fursad u siinno nolosha… sababtoo ah Marinka Qasa waa god cadaab u ahaa dadka halkaas ku nool.”
Mar la weydiiyay cidda uu u arko in ay ku noolaan doonaan Qasa, haddii uu soo jeediyay in la barakiciyo Falastiiniyiinta, Trump wuxuu yiri, “Waxaan qiyaasayaa dadyowga adduunka,inay halkaas ku nool yihiin.”Wuxuu intaas ku daray, isagoon tafaasiil ka bixin, “Falastiiniyiinta sidoo kale,”
Shabakad warar oo ka soo baxda magaalada Ramallah ee dhulka la heysto ee Falastiiniyiinta , ayaa ku warrantay goobaha uu ku fakarayo Trump inuu dejiyo Falastiiniyiinta laga soo barakicinayo marinka Qasa inay ku jiraan Soomaaliya iyo Marooko, balse shabakadan Sawt El Ghad, ma sheegi isha ay ka xaqiijiyeen.
Sidoo kale Wargeyska Israa’iil ee The Jerusalem Post iyo telefishinnada Israa’iil ee Channel 12 iyo N12 , ayaa ku warramay inuu Trump doonayo Falastiiniyiinta uu ka masaafurinayo Qasa inuu geeyo meelo ay ka mid yihiin , Somaliland, Puntland iyo dalka Marooko , iyadoo warbixinnada ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil lagu sheegay inay jirto baahi ay u qabaan goobahan la doortay taageerrada Mareykanka , sida inay Somaliland doonayso madax bannaani , halka Marooko ay rabto in loo aqoonsado gobolka saxaraha galbeed.
Dhinaca kale Dalalka reer galbeedka oo ay ku jiraan ; Ingiriiska , Faransiiska , Jarmalka iyo Australia ayaa ka soo horjeestay qorshaha Trump ee la xiriira inuu Mareykanka la wareego Qasa, taa beddelkeeda waxay taageerreen qorshaha dhismaha dawladda Falastiin, halka ku dhawaad dhammaan waddamada Carabta oo ay ku jiraan; Sacuudiga, Masar iyo Jordan ay ku sheegeen qorshaha Trump wax aan la aqbali karin oo ay si cad u diiddeen.
Wakaaladda wararka ee AP , ayaa ku warrantay in Masar ay si cad ugu sheegtay maamulka Trump iyo Israa’iil in ay ka hortagi doonto hindise kasta oo la doonayo in Falastiiniyiinta loo barakiciyo Masar, iyagoo markaa ku sheegay barakicinta falastiiniyiinta inay khalkhal galinayso xasilloonida gobolka iyo in ay wiiqayso heshiiskii nabadda ee Masar iyo Israa’iil.
Geesta kale Ururka Xamaas, ayaa warsaxaafadeed ay baahiyeen ku sheegay inaysan oggolaan doonin inuu Mareykanka la wareego GAZA, iyagoo ku sheegay inaysan jirin wax kala duwanaasho ah oo u dhaxeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo ay kala hortagi doonaan iska caabbin. Waxaa ay sidoo kale Carabta ugu baaqeen inay shir weyne ka yeeshaan qorshaha Trump si loo joojiyo.