Netanyahu ayaa u muuqday mid si adag u difaacaya Israa’iil, wuxuuna ka dhawaajiyey in ay sii wadi doonaan iska caabinta Xamaas, wuxuuna been abuur ku tilmaamay Xasuuqa ay Israa’iil ka wado Gaza.
Netanyahu ayaa dagaalka Gaza ku eedeeyey kooxda Xamaas, oo uu sheegay in ay sabab u yihiin sii socoshada dagaalka 10-ka bilood jirsaday ee ka socda halkaasi.
Ninkan ayaa sidoo kale Iran ku eedeeyey in ay maalgeliso Xamaas iyo kooxaha kala ah Xisbullah iyo Xuutiyiinta Yemen, oo uu sheegay dhamaantood in ay duulaan ku yihiin Israa’iil.
Netanyahu ayaa si cad u dhaleeceeyey dibadbaxyadii ay dadka Mareykanku dhigeen dhawaan, isagoo xusay in ay garab u noqdeen waxa uu ugu yeeray Cadowga Israa’iil, ayna taageerayaan Iran iyo xulufada ay maalgeliso.
50 mudane oo ka mid ah mudanayaasha xisbiga Dimoqraadiga ee Koongareeska, ayaanan soo xaadirin khudbad uu Netanyahu u jeediyey Koongareeska Mareykanka.
Waxaa dhanka kale xusid mudan intii ay socotay khudbada uu u jeedinayo Koongareeska Mareykanka in ay meel aanan ka fogeyn xarunta Koongareeska ee Capitol Hill laga dhigayey mudaharaadyo looga soo horjeedo dhibaatada ay Israa’iil ka wado Gaza, waxaana dibadbaxaasi ka soo qeyb galay kumannaan ka tirsan shacabka Mareykanka oo ku dhawaaqayey erayo ka dhan ah Israa’iil.
Inta la diiwaan geliyey Tan iyo marki uu billowday dagaalka Isra’il ee Gaza, waxaa ay Israa’iil dishay ku dhawaad 40 kun oo Falastiiniyiin ah oo u badan dumar iyo carruur, kuwaas oo aan waxba galabsan.