Fajac iyo Amakaag ayey inta badan Soomaalida ku abuurtay warqadii lama filaanka ahayd ee uu Xasan Sheekh u diray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Warqad uu Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Trump oo ku taariikheysneyd 16-ki bishan March,sida ay heshay warbaahinta Semafor ayuu Xasan Mareykanka ugu bandhigay qorshe ay ku maamulayaan dekedo istaraatiiji u ah Gacanka Cadmeed, sida Berbera iyo Boosaaso, isagoo sidoo kalana Mareykanka gacanta ka saaraya Garoomada diyaaradaha Berbera iyo Balidoogle oo ay Mareykanku saldhigyo waa weyn ka dhiganayaan.
Inkastoo meelaha qaar aanay si buuxda dowladda fedraalka gacanta ugu heynin, haddana Dowladda dhexe ayaa u aragta goobahan kuwo qeyb ka ah dhulkeeda qaran ee ay maamusho.
Maxaa laga dheehan karaa warqadan ayaa noqoneysa su’aasha taagan?
Warqadan ayaa sida aqoonyahanadu sheegayaan muujineysa cabsida dowladda dhexe ay ka qabto isku soo dhawaansho dhex marta Somaliland iyo Mareykanka, taas oo Somaliland usoo de dejin karta aqoonsi caalami ah, maaddaama maanta Mareykanku uu baahi weyn u qabo “hanti istaraatiiji ah” oo kor u qaadi karta saameyntiisa gobolka, waxana xusid mudan in goobtani ay tahay meelaha ugu muhiimsan ee lagala socon karo dhaq-dhaqaaqa maraakiibta ganacsiga ee mara Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, taas oo sidoo kalana fure u noqon karta ka hortago weerarrada Xuutiyiinta oo mudooyinkii danbe isi soo tarayey.
Walaaca dowladda dhexe ayaa geesta kale waxaa sare u qaaday hadalkii ka soo yeeray xubno ka tirsan xukuumadda cusub ee Maraykanka kuwaa oo muujiyay xiisaha ay u qabaan aqoonsiga Somaliland, halka Somaliland qudheeda ay dadaal badan bixineyso fursad cusub-na u aragto maamulka Trump, oo sida ay la tahay hirgalin karta gucla oradka ay mudada 30 sano ah ugu jirto helida aqoonsi caalami ah.
Warqada Xasan Sheekh uu diray Trump waxa ay Somaliland uga jawaabtay si kulul, waxana ay ku tilmaantay tallaabada Madaxweyne Xasan Sheekh mid muujinaysa xasillooni-darro siyaasadeed iyo dadaal Somaliland looga horjoogsanayo ictiraaf caalami ah.
Dhanka kale dowladda dhexe ayaanan saameyn badan ku lahaydn Dekadda Boosaaso, waxaana xusi mudan in Puntland, ay xiriirkii u jartay dowladda dhexe bishii Maarso ee sanadkii hore kadib khilaafyo siyaasadeed oo soo jiitamayay, waana maamulka gacanta ku haya dekedda Bosaso oo si istaraatiiji ah ugu taalla Gacanka Cadmeed, waana deked ganacsi oo muhiim ah, iyo il dhaqaalle oo cid aan Puntland ahayd aysan ku gor gortami karin ama yaboohi karin.
Inta badan Aqoonyahanada waxa ay dhambaalka Xasan Sheekh uu diray ku micneeyeen mid uu ka muuqdo deg deg, tabar darri iyo quus is biirsatay, waxaana arrin lala fajaco lagu sifeeyey in dhul soomaaliyeed loogu yabooho Mareykanka xilli wax dalab ah aanay ka imaan Xukuumadda Washington.
arrinta kale oo ahmiyad gaarka leh ayaa noqoneysa in la ogaado, waxyaabaha ay dowladdu ku baddelneyso hantidan ay u hadiyeeyneyso mareykanka, iyadoo lala socdo in Trump muddo xileedkiisa labaad ee Aqalka Cad uu qaaday tallaabooyin uu ku joojinayo dhaqaale badan oo Maraykanku ku kabi jiray dalal Soomaaliya ay ku jirto, taas oo laga xusi karo hakinta Mareykanak ee taageeradii uu la bar bar taagnaa Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.
Sidoo kale qubarada qaar ayaa aaminsan in warqadan lagu fasiri karo mid Xasan uu ku kasbanayo Trump si Mareykanku uu dib ugu xoojiyo taageeradiisa kala duwan ee dowlad dhiska Soomaaliya, loogana hortago fursad walba oo saamixi karta inuu la xaajoodo Somaliland.
Si kastaba, lama oggo jawaabta Mareykanku uu ka bixin doono Yabooha Xasan Sheekh xilli Washington qudheeda ay ogsoontahay in ay kooban tahay saameynta dowladda dhexe ee dekadahan istaraatiijiga ee Berbera iyo Boosaaso, oo maanta ay gacanta ku heyso shirkadda DP World, oo ah shirkad caalami ah oo ka shaqaysa saadka lagana leeyahay Imaaraadka Carabta,taas oo qorshihii loogu gacan galiyey dekadahan aanay cidna ka tala galin Dowladda Fedraalka.