15-kii May 2022- Fursadii Xasan Sheekh u saamaxday inuu mar kale fariisto Villa Soomaaliya, bilo kooban kadib wuxuu iclaamiyey dagaal ka dhan ah Al Shabaab, kaas oo kooxda looga saaray deegaano badan oo ay kaga sugnaayeen maamullada Hirshabelle iyo Galmudug.
Wajigii koowaad ee howlgalkaasi oo si dar dar leh ku billawday, Maxaa maanta ku dhacay? halkee ayuuse ku danbeeyey qorshihii wajiga labaad ee dagaalka?
Sida qubarada amnigu aamisan yihiin dhowr caqabad oo is biirsaday ayaa fashil u horseeday wajigii labaad ee gulufkii uu ku dhawaaqay Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana hal bacaad lagu lisay noqday ballan-qaadkiisii ahaa in muddo kooban uu ku soo afjarayo kooxda Al Shabaab.
1- Fashilka Koowaad ayaa yimid kadib markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh bartamihii 2023-ka uu is-baddel ku sameeyey hoggaanka ciidanka qalabka sida, isagoo taladii ciidan faraha ka saaray rag aan dhaqaajin karin hadafkii uu ka lahaa dagaalka.
2- Sidoo kale Qorshe xumida dagaalka iyo istaraatiijiyad la’aanta ayaa noqotay caqabad weyn oo uu ka tallaabi waayey Xasan Sheekh, waxaana adkaatay in wax laga barto weerarada rogaal celiska ee ka imaanaya Al Shabaab, taas oo keentay in dhowr jeer oo is xig xiga weeraro ay soo qaadeen lagu waayey saraakiil iyo ciidamo muhiim u ahaa gulufka, waxaana shabaabku ay cagta mariyeen guutooyin ka tirsanaa ciidamada qalabka sida.
3-geesta kale Kalsooni darida soo food saartay ciidamada Macawiisleyda oo door muuqda ka qaatay wajigii koowaad ee dagaalka ayaa iyaduna ku suntan waxyaabaha hor istaagay in guullo hor leh la gaaro dagaalka, kadib markii uu Madaxweynuhu koobay doorkooda dagaalka, halka markii hore ay iyagu is abaabuli jireen.
waxaase xusid mudan in Ciidamada Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ay Villa Soomaaliya ka waayeen taageero dhaqaalle iyo mid awood ciidanimo, waxaana qalab daayee ay heli waayeen in xitaa ay qeyb ka noqdaan qorshaha ciidanka ee mushaar qaadashada, taas oo diiday in gulufka uu ku socda dar dartii uu ku billawday.
Hagardaamada uu Madaxweynaha kala kulmay Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubaland, ayaa iyaduna caqabad lixaad leh ku noqotay inuu hore u dhaqaaqo dagaalkii uu Iclaamiyey Xasan Sheekh, maaddaama qorshaha uu ahaa in wajiga labaad xooggiisu uu ka dhaco labadan maamul, balse taa baddelkeeda Lafta Gareen iyo Axmed Madoobe ma jirto hal deegaan oo ay ku durgeen ama ay Al Shabaab ka qabsadeen, taas oo dhaawacday qorshihii loo dejiyey dagaalka.
Isku geynta Caqabadahan ayaa kaalin weyn ka qaaday inuu hungoobo ballan-qaadkii Xasan Sheekh ee ka dhanka ahaa Al Shabaab, waxaana iminka aad u yar weerarada ay Al Shabaab kala kulmayaan ciidamada dowladda, taas oo kooxda caddaadiskii hore ka qaaday, una abuurtay fursad cusub oo ay isku abaabuli karaan, kuna maleegi karaan qaraxyo iyo weeraro argagixiso oo sida muuqata shalay oo ugu danbeysay ay ka fuliyeen Muqdisho,gaar ahaan agagarka guriga hooyooyinka oo wax yar u jira xarunta dalka looga arrimiyo ee Villa Soomaaliya.