Ciidamada badda Soomaaliyeed ayaa bilihii ugu danbeeyey ku tallaabsaday guulo is daba joog ah, sida in ay saldhigyo ka sameystaan gudaha badda, taas oo rajo cusub u abuurtay bulshada Soomaaliyeed.
Hididiilada ciidamada badda laga dareemayo ayaa timid kadib markii dhawaan dalka ay soo gaareen ciidamo badan oo lagu soo tababaray dalka Eriteriya, kuwaas oo loo soo carbiyey ilaalinta xeebaha.
Ciidamadan iyo kuwa kale oo hore u joogay ayaa noqday ciidamo dhiig cusub ku soo biiriyey ciidanka badda Soomaaliya, oo markii hore ay ka muuqatay habacsanaan ballaaran.
Dadaalada dheeriga ah ee ay sameynayaan ayaa qasabtay in shalay ay Dowladda Turkiga ay soo gaarsiiso doomo cusub oo loogu tala-galay ciidanka badda Soomaaliya.
Waxaa doomaahan safiirka Turkiga ee Soomaaliya kala wareegay galinkii dambe ee shalay wasiiru-dowlaha wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Dekadda Muqdisho, taas oo uu goobjoog ka ahaa taliyaha ciidamada badda Soomaaliya.
Doomahan ayaa wax badan ka tari doona sugitaanka ammaanka xeebaha, waana qeyb ka mid ah taageerada uu Turkiga sanadihii ugu danbeeyey la garab taagnaa Soomaaliya.
Sida warbaahinta loo soo bandhigay Doomahan ayaa gaaraya illaa 4 doomood waana nuuca dheereeya, kuwaas oo loogu tala-galay inay qeyb ka noqdaan sugitaanka amniga xeebaha Soomaaliya.
Sidoo kale isla shalay Saraakiil ka socota Dowladda Mareykanka ayaa waxa ay booqasho ku tageen Taliska ciidanka ilaalada xeebaha ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Saraakiishaan ka socotay dowladda Mareykanka ayaa soo kormeeray qalabka, saldhigyada iyo qaabka ay u howlgalaan ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya, waxaana fajac weyn ku abuuray dib u dhiska lagu sameeyey ciidamada badda Soomaaliya.
Saraakiisha ka socotay Mareykanka ayaa Taliska Ciidamada ilaalada Xeebaha kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca amniga ee xeebaha Soomaaliya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa awoodda iyo tayada hawlgallada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, iyadoo la kobcinayo tirada iyo tayada ciidamada badda Soomaaliyeed.
Dhamaan guulahan ay ku tallaabsanayaan ciidamada badda Soomaaliya ayaa imaanaya xilli Dowladda Itoobiya aanay weli ka tanaasulin damaceedii ahaa hanashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya, waxaana rajadan ay muujineysaa in dhawaan ciidamada badda Soomaaliya ay gaari doonaan heer lagu haleyn karo amniga guud ahaan xeebaha Soomaaliya.