Heshiiska Masar iyo Soomaaliya wuxuu hurda la’aan dhigay Xukuumadda Addis ababa, taas oo weli ku dhagan heshiis beenaadkii ay la saxiixdeen Somaliland iyo damacoodii ahaa hanashada qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Soomaaliya oo mowqif adag ka istaagtay Hanka Itoobiya, waxey heshiis lagu tanaaday oo durba ay muuqato libintiisa la gashay Masar, oo qudheeda xiisad kulul oo quseysa webiga Nile ay kala dhaxeyso Itoobiya.
Toddobaadkan Markii Markab xamuul oo Masar ay leedahay uu xirmaddii labaad oo hub ah keenay Soomaaliya, wuxuu waa cusub oo wal wal xanbaarsan u beryey Itoobiya, taas oo durba qeylo dhaan af labadii yeertay.
Xirmadan labaad ee hubka ay Masar keentay Muqdisho ayaa ahaa kuwo casri ah, waxaana ku jiray gawaarida dagaalka iyo saanad kale oo ciidan oo muhiim ah, waana tallaabo u muuqatay dhoola-tus, maaddaama muuqaalo laga duubay hubkan iyo gawaarida oo la galbinayo la soo dhigay baraha bulshada.
Itoobiya oo walaac culus uu soo food-saaray ayaa sheegtay in ay baqdin ka muujineyso in hubkan uu u gacan galo kooxaha argagixisada ah, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya.
BalseWasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar ayaa xaqiijisay keenista hubkan, iyadoo sheegtay in shixnaddan looga dan leeyahay in lagu taageero dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo ammaanka, la-dagaallanka argagixisada, iyo ilaalinta madax-bannaanideeda, xilli kal hore Madaxweynaha Masar Abdi Fitah Al Sisi, uu taageero dhan walba ah u ballan-qaaday Soomaaliya
Masar ayaa, dhinaca kale, ku yaboohday ciidamo qeyb ka noqonaya howlgalka cusub ee nabad-ilaalinta ee Soomaaliya, kuwaas oo kor u dhaafaya 10-kun oo askari, waxaana si gaar ah ay uga howlgali doonaan meelaha ay iminka ku sugan yihiin ciidamada itoobiya.
Masar oo dhinac ka taagereysa Soomaaliya ayaa dhanka kalana ka cadgoosaneysa Itoobiya, maddaama labada dal ay muddo sanado ah isku khilaafsan yihiin biyo-xireenka ay Addis-Ababa ka sameysay webiga Nile-
Waqtigan Itoobiya waxaa Soomaaliya ka jooga 3,000 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS, halka qiyaastii 5,000 illaa 7,000 oo askari oo kale ay dalka ku joogaan heshiisyo kale. oo sharci darro ah.
Itoobiya ayaa dhanka kale wada Faragelin dhanka gudaha Soomaaliya ah, waxaana heshiis hoosaadyo ay la gaartay qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada oo laga xusi karo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-Gareen.
Dowladda Turkiga oo dano muhiim ah ka leh labadan dal ee geeska afrika ayaa dhinacyada isugu geysay Ankar, si ay u xaliso xiisad taagan, hase ahaatee wajigii koowaad iyo labaad ee is araga dhinacyada ayaa ku idlaaday fashil, waxaana qabsoomi waayey wajigii seddexaad ee wada hadaladda, kaas oo u baaqday hadalada xanafta leh ee ay dhinacyadu warbaahinta isku marinayaan.
Si kastaba Hubka Masar ay keentay Soomaaliya oo qaarkood lagu qalabeynayo ciidamada dowladda ayaa Fursad u ah Soomaaliya oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii December ka qaaday cunaqabateynta hubka, oo Soomaaliya saarneyd in ka badan 30 sano, waxaana xilligan Ciidanka Soomaaliyeed oo garab ka helay Xukuumadda Qaahir ay diyaar u yihiin in ay difaacdaan madax-bannaanida dhulkoooda, maaddaama ay adag tahay sida uu gobolka uga baaqsan karo colaad dhex marta Soomaaliya iyo Itoobiya.