Doorashadii uu qabsaday maamulka Jubaland ee uu ku soo baxay Axmed Madoobe, wixii ka danbeeyey waxaa cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamulka Jubaland, waxaana saacadihii la soo dhaafay ay hawada isku mariyeen weedho xanaf leh oo sii kordhinaya xiisada.
Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maxkamada gobolka ayaa amartay in la soo qabto Axmed Madoobe oo lagu eedeeyey xad-gudub ku aadan midnimada dalka, Balse maamulka Jubaland ayaa isna soo saaray qoraal aan kaasi waxba ka duwaneyn, waxaana maxkamada Kismaayo ay amartay in la soo xiro Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, taas oo noqotay mid abuurtay fajac iyo anfariir.
Tallaabooyinkii xigay ee ay qaaday Jubaland
Go’aan ka soo baxay golaha Wasiirada Jubbaland oo shalay ku shiray Kismaayo ayaa xukuumadda federaalka Soomaaliya ku eedeysay inay ku tumatay dastuurka dalka.
Sidoo kale Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa isla shalay si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu joojiyay xiriirkii iyo wada-shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka Soomaaliya.
Geesta kale waxaa shalay Kismaayo ka dhacay dibad-bax ballaaran, kaas oo looga soo horjeedo warqaddii waaranka xariga ahayd ee loo soo jaray Madaxweynaha Jubaland, waxaana shacabka Kismaayo iyo maamulka Jubaland ay si weyn uga soo horjeesteen go’aankaas, iyagoo taageero u muujiyey Axmed Madoobe.
Dhanka Dowladda
Barlamanka Soomaaliya ayaa isna wata qorshihiisa la xiriira de-dejinta iyo meel marinta sharuucda muhiimka u ah arrimaha doorashooyinka, waxana uu qaaday tallaabo kale, kadib markii uu ansixiyey xubnaha cusub Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, taas oo Barlamanka gudihiisa ka abuurtay dood gaartay gacan ka hadal.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhankeeda wada qorshe u muuqda mid awood loo adeegsanayo Jubaland waxaana ciidamo ay geysay qaar ka mid ah deegaanada Jubaland, gaar ahaan deegaanka Raaskambooni, waxaana suura gashay in ay isi soo dhiibaan ciidamo ka tirsan Jubaland, kuwaas oo saacadihii la soo dhaafay la keenay Muqdisho.
Dhinaca kale Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Kenya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulamo la qaataan Madaxweyne William Ruto iyo ku xigeenkiisa, Walow dadka qaar ay aaaminsan yihiin inuu kala hadlayo arrinta Jubaland iyo in Kenya ay faragelinta ka deyso gudaha Soomaaliya.
Si kastaba Inta la shaaciyey Ra’iisul Wasaaraha ayaa Kenya kala hadlaya arrimo ay ka mid amniga iyo ganacsiga, waxaase la ogayn in qorshaha safarkiisa ay qeyb ka tahay arrinta Jubaland, taas oo la saadaalin karin halka ay ku biyo shuban doonto, maaddaama dhinacyadu ay aad u kala fog yihiin.