Tan iyo markii uu furmay shirka madasha wada-tashiga qaranku horraantii bishii oktoobar madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam( Madoobe) ayaa qaaday dhawr tillaabo oo u muuqda kuwo uu dowladda Federaalka uga aragti duwanyahay.
Tillaabada koobaad ee uu madaxweynaha Jubbaland qaaday ayaa ahayd inuu isaga baxay shirkii madasha oo socda, ka dibna uu magaalada Kismaayo ku laabtay oo uga dhawaaqay doorasho u gaar ah maamulkiisa.
Sidoo wuxuu dhowaan soo saaray war saxaafadeed uu ku muujinayo diidmadiisa ku aaddan qodobada shirkii uu isaga tagey ee madasha wada-tashiga qaranka, wuxuuna tilmaamay in qodobadaasi aanay jubbaland saameyn ku yeellan doonin.
Dhanka kale xubnaha labada gole ee Baarlamaanka federaalka ku matala dowlad goboleedkaas ayaa dhowaan soo saaray war saxaafadeed ay ku taageerayaan go’aanka madaxweyne Axmed madoobe, waxayna ugu baaqeen in doorasho gaar u ah laga qabto deegaanada maamulkaas.
Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo is casilay iyo Axmed madoobe oo xubnaha labada gole oo Baarlamaanka ku matala Jubbaland shir wada-tashi ah ugu yeeray ayaa intaas xigay, waxaana socda dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo aan u wanaagsanayn xaaladda dalka iyo hor u socadka dowladnimada.
Dhan kasta oo laga eego arrinta waxaa iminka soo if baxaya in Qaar kamid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka ku matala dowlad goboleedka Jubbaland ay ku kala aragti duwanaadeen Warqaddii casuumaadda ahayd ee Madaxweynaha maamulkaasi u diray Xildhibaannada, waxaana jira xildhibaano aqbalay casuumaada halka kuwo kalana ay diideen.
Senator Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka ee laga soo doorto dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in uusan tagi doonin magaalada Kismaayo, isla markaasna uu diyaar u yahay Doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay ku dhawaaqeen Dowladda dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, arrintan ayaa utun kale ku noqon karta dhaqdhaqaaqa uu wado Axmed Madoobe.
Si kastaba inkastoo Jubbaland aanay sheegin khilaaf doorashada ka baxsan oo dowladda federaalka kala dhexeeya, haddana madaxda ugu sarraysa qaranka ayaa layli adag u tahay xal u helidda xiisadda taagan, taas oo aan isku tanaasul iyo wada-hadal ka taganaan doonin.