Isbaddelka ku yimid, wixii ka danbeeyey dagaalka ka hortaga iyo ka daba taga xatooyada,
dakhliga dowladda ka soo gala garoonka diyaaradaha oo markii hore ahaa inta u dhaxeysa Afar boqol oo kun ilaa seddex boqol oo kun ayaa markii ugu horeysay gaaray milyan iyo dhowr boqol oo kun bishii, waana arrin sare u qaaday dakhliga ku dhaca qasnada dowladda.
Sida ay Hortabin Media ogaatay Adeega Kordhinta Fiisaha waxaa bishii June oo qura ka soo xarootay Afar Boqol iyo sideetan kun, oo dollar halka 4-tii bil ee ka horeysay ay ka soo xaroodeen, lacag wadartoodu aanay dhameyn tan la qabtay June.
La dagaallanka musuqa ayuu Madaxweynuhu mar uu hadlay ku tilmaamay arrin sahleysa in si hufan loo maareeyo dhaqaalaha dalka, isla markaana muddo dheer kadib ay Soomaaliya gaarto isku filnaan dhan walba ah oo ay uga maarmeyso kaalmeynta dowladdaha shisheeye.
Geesta kale Garsoorka Soomaaliya oo indhaweydba oo ay dul hoganayeen dhaliilo kala duwan, ayuu Madaxweynuhu xil iska saaray inuu boorka ka jafo, si bulshadu ugu kalsoonaato, waana qeyb ka mid ah dadaalada uu Madaxweynuhu ku bixiyey ka jawaabida cabashada shacabka.
In garsoor tayo leh dalka uu yeesho, isla markaana la dhayo bogihii iyo dul duleeladii hore ee arimaha garsoorka, ayaa noqotay tallaabo lagu diirsaday, oo bulshadu u iftiimisay is badelka nidaamka dowladnimo ee dalka tisqaaday.
Si kastaba qubaradu Amnigu ayaa sheegaya in dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gudaha dalka, uu yahay fursad dahabi ah oo hortaalo Madaxweynaha, kaas oo hadii uu ka lib keeno wax badan ku kordhineysa hankiisa siyaasada, kobcineysana himilada shacabka ee dowladnimada Soomaaliya, waxaase haddii la xagal daaciyo oo uu fashil yimaado lagu macneeyey nasiib darro iyo guuldaro usoo wada hoyatay umadda Soomaaliyeed, oo badankooda sida qubaradu tilmaamayaan naawilaya in ay indhaha ka qaadaan Soomaaliya cusub oo ka caagan Al Shabaab iyo urur diimeedyo kale oo xagjira.