Kadib 40 maalmood oo uu socday dagaal culus , waxaa lagu dhawaaqay xabbad-joojin u dhexeysa Maraykanka iyo Iiraan. Hase yeeshee, hadallada kala duwan ee ka soo baxay dhinacyada ku lugta leh arrintan ayaa muujinaya in heshiiska la gaadhay uusan weli si buuxda u caddayn, gaar ahaan marka la eego baaxaddiisa juqraafiyeed iyo dhinacyada siyaasadeed ee uu khuseeyo.
Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Shahbaas Shariif, ayaa sheegay in xabbad-joojintu ay khusayso guud ahaan gobolka Bariga Dhexe, oo ay ku jirto Lubnaan. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, wuxu sheegay in Israa’iil ay taageersan tahay go’aanka Madaxweyne Donald Trump ee ah in weerarrada ka dhanka ah Iiraan la hakiyo muddo laba toddobaad ah, balse wuxuu caddeeyay in arrintaasi aysan khusaynin furinta Lubnaan. Kala duwanaanshahan hadalka ahi wuxuu durba muujiyay in dhinacyadu si kala duwan u fasirayaan qodobbada heshiiska.
Qodob kale ee muranka dhaliyay waa marinka Hormus. Iiraan waxay sheegtay in marinku u furnaan doono maraakiibta, balse amnigiisa iyo maamulkiisa ay si toos ah u hagayaan ciidamada qalabka sida ee Iiraan. Dhankiisa, Trump wuxuu sheegay in Maraykanku gacan ka geysan doono maaraynta isu-socodka maraakiibta ee marinkaasi, taas oo muujinaysa in labada dhinac ay si kala duwan u fasirayaan cidda dhab ahaan gacanta ku haysa marinkan istiraatiijiga ah.
Sidoo kale, waxaa jira mugdi la xidhiidha barnaamijka nukliyeerka Iiraan. Wakaaladda Associated Press ayaa sheegtay in ay jiraan kala duwanaansho u dhexeeya nuqullada Faarisiga iyo Ingiriisiga ee qorshaha xabbad-joojinta. Nuqulka Faarisiga ah waxaa ku jirtay eray bixin tilmaamaysa aqbalaadda kobcinta yuraaniyamka, halka eraygaas uusan ka muuqan nuqulka Ingiriisiga ah. Tani waxay dhalinaysaa su’aalo waaweyn oo ku saabsan mid ka mid ah qodobbada ugu xasaasisan khilaafka labada dhinac.
Heshiiskan wuxuu ka tarjumayaa dib-u-gurasho ay sameeyeen labada dhinac. Trump, oo hore uga hanjabay “is-dhiibid buuxda oo aan shuruud lahayn” iyo xitaa beddelka nidaamka Iiraan, ayaa hadda u wareegay miiska wadaxaajoodka. Dhanka Iiraan, Tehran waxay markii hore diidday heshiis ku-meel-gaadh, waxayna dalbanaysay heshiis dhammaystiran oo dammaanad qaadaya in aan dagaal dib loogu noqon.
Dhinaca Israa’iil, heshiiskan waxaa loo arkaa dhabar-jab siyaasadeed. Warbaahinta Cibraaniga ah iyo mucaaradka, gaar ahaan Yair Lapid, ayaa si adag u dhaliilay Netanyahu, iyagoo ku eedeeyay inuu ku fashilmay himilooyinkii uu dagaalka ku galay.
Haddaba maxey yihiin Sababaha keenay isbeddelka mawqifka Maraykanka?
Sababaha beddelay go’aankii Trump, ee keenay inuu dib u dhigo muddadii uu qabsaday, waxa lagu soo koobi karaa afar sababood oo muhiim ah, iyadoo sidoo kalena meesha aan laga saarayn suurogalnimada in go’aanka dib-u-dhigidda laftiisu qayb ka yahay marinhabaabin iyo khiyaamayn istaraatiiji ah, weliba xilli ciidamo dheeraad ah oo Maraykan ah lagu soo daabulayo gobolka;
Kan koowaad Cadaadiska xulafada– Waxa cad in maamulka Trump uu digniino ka helay xulafadiisa, siiba dalalka Khaliijka, digniintaas oo ah in fulinta weerarro lagu beegsanayo warshadaha tamarta ee Iiraan ay keeni doonto in Iiraanna weerarro ka fulin doonto kaabayaasha tamarta ee dalalkan, iyadoo aargoosi wadda.
Kan labaad- Dhimidda saamaynaha siyaasadeed iyo dhaqaale–Waxa Iyana suurogal ah in go’aanka Trump uu dib ugu dhigay weerarka warshadaha tamarta ee Iiraan uu ku sal leeyahay iskudaygiisa dejinta suuqyada oo khalkhal ku yimi dagaalka iyo hanjabaadaha Trump awgood. Waxa kale oo uu ku maaraynayaa qiimaha shidaalka ee libanlaabka ku dhow marka la barbardhigo heerkii uu marayey dagaalka ka hor, arrinkan oo si taban u saamaynaya Xisbiga Jamhuuriga iyo doorashooyinka kalabadhka teeramka Koongarayska ee bisha Noofambar 2026.
Qodobka seddexaad– Fursad siinta xal diblumaasiyadeed—Waxa kale oo suurogal ah in Trump uu raadinayo jid uu kaga baxo dagaalkan, weliba iyada oo ay guuldarraysteen qiyaasihii uu dagaalka ku galay,oo ay ugu horrayso dhicitaanka nidaamka iran ka jira ama isdhiibiddiisu, waxaana jab walba oo iran soo gaara ay noqonayaan kuwa intii hore ka sii adag, taas oo cabsi ku abuurtay xili ay sii kordheyso kharashka mareykanka kaga baxaya dagaalka iran oo iminka gaaray 25 bilyan oo doollar.
Qodobka afaraad ayaa lagu sifeynayaa Khiyaamayn iyo marinhabaabin—sida la sheegayo Waxa kale oo suurogal ah in dib u dhigidda hanjabaaddii trump ay tahay taatiko uu ku qarinayo dhaqdhaqaaqyo milatari oo cusub. Sadaashani waxa ay cuskanaysaa labadii khibradood ee Juun 2025 iyo midii Feebarweri 2026, iyo arrimo kale oo hadda taagan,, ciidamo faraha badan ee mariiniska ee uu soo daabulay ayaa keeneysa in laga shakiyo isla markaana loo arko kuwa loo igmaday fulinta labo howl oo kala ah qabashada jasiirada kharaf ee iraan iyo howlgalka labaad oo ah inay ka qayb qaataan nabad ilaalinta marinka Hurmus, iyagoo qabsanaya xeebaha Iiraan, taas oo ah mid haddii uu ku dhaqaaqo uu ku fashilmi doono.
Si kastaba dhawaan Waxaa la filayaa in Islamabad ay martigeliso kulan u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan si loo sii ambaqaado wadaxaajoodyada loona xoojiyo xabbad-joojinta. Si kastaba ha ahaatee, weli ma cadda in la xalliyay arrimaha waaweyn sida barnaamijka nukliyeerka, gantaallada ballistic-ga ah, iyo doorka xulafada Iiraan ee gobolka.
Sidoo kale Dhanka dhaqaalaha, suuqyadu si degdeg ah ayaa looga dareemay heshiiska, iyadoo qiimaha foostada saliidda uu hoos u dhacay boqolkiiba 14, kuna dhacay 96.83 doolar. Tani waxay muujinaysaa in cabsidii degdegga ahayd ee laga qabay dagaal ballaadhan oo gobolka ku fida ay yaraatay, balse weli ma ahan mid far waa weyn lagu xariiqi karo.
