Gudoomiye Amir ayaa yiri cidna ilama xisaabtami karto, Waa Xaqiiq hadalka Gudoomiye Amiir, sababtoo ah xilka uma uusan soo doonan inuu muujiyo matalaad dhab ah, waana sababta aan wax looga weydiin karin khasaaraha ka dhashay roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da’ay Caasimada Muqdisho, kuwaa oo khasaare naf iyo maalba leh gaystay.
Wadooyinka bur buray oo shirkadihii dhisay aan lagula xisaabtami karin, Madaxdii gobolka oo aan wax laga weydiin karin umuuraha cakiran ee Muqdisho ka taagan, waa tan dad caasimada baday in ay ku noolaadaan marxaladan hubanti la’aaneed.
Aqaladii magaalada oo ay biyo buux dhaafiyeen, ardaydii oo meel ay u marto dugsiyadii tacliinta la’,, dhalaanka iyo waayeelka oo waagu ku dilaacay iyagoo dhibicda roobku ku socoto, gurmad-na aan helin waa maalinta adag ee ay wajahayaan dadka Muqdisho.
Rajadu aadbey u hooseysa, tiiraanyaduna waa mid kordheysaa, ilaa iyo iminkana cidna waxba iskama weydiin wal walki ay ku sugan yihiin muwaadiininta ku nool dabaqada hoose, maaddaama kuwii dabaqada dhexe ay qaabilayaan waayahan xanuunka badan
Daruuftaasi oo jirta waxey dowladda hoose rabtaa in canshuurta si joogta ah loo bixiyo, waxaana dhaayahaagu qabanayaan askari taraafiko ah oo canshuurta wado marista weydiinaya gaadiidka iyo mid kale oo shati faaya dhowr caafimaad su’aalaya mehrad ay biyaha roobku hor fadhiyaan.
Umuurahan Cakiran wa kuwo qeexaya in damirkii iyo damqashadii uu ka idlaaday kuwa talada lagu aaminay, kuwaa oo uu garaadkoodu ku soo koobay in ay dhaqaalaha gobolkan jeeb un ka buuxsadaan, iyagoo wax adeeg ah aan dib ugu soo celineyn rayidka.
Waqtigan la joogo waxaa lama huraan ah in la helo dareen dad weyne, shacabku raadsadaan xuquudooda dastuuriga ah, iyagoo sameynaya diidmo madani ah,, taas oo ah dhabaha sharciga ah ee ay dadka Muqdisho ku hanan karaan canshuur ay wehliso matalaad dhab ah,, kana baajineysa diif iyo daranyada ay maanta sanadaha badan ehelka u yihiin.