Sida uu ka dhawaajiyey Abiy Axmed, Itoobiya oo aan weli damaceeda ka tanaasulin ayaa qorsheyneysa in ay si nabdoon ku hesho marin biyood ay ka dhigato Dekad iyo saldhig ciidan.
Wuxuu Abiy Axmed xusay in marnaba Itoobiya aanay wax dagaal ah la gali doonin Soomaaliya, isagoo xusay in ay ahmiyad weyn siinayaan midnimada Soomaaliya.
Taa baddelkeeda Abiy Axmed wuxuu hoosta ka xariiqay in Itoobiya ay daneyneyso in qaab nabad galyo ah oo is faham ku jiro ay ku hesho marin biyood ay u isticmaasho Dekad.
Abiy Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Nabada Soomaaliya ay u daadiyeen dhiig badan, waxana sida uu soo hadal qaaday amaanka Soomaaliya Itoobiya uga geeriyooday ciidamo fara badan, oo qaab nabad ilaalin ah ku tagay Soomaaliya.
Abiy ayaa hadalkan ka jeediyey kullan muddo afar maalmood ah uga socday Addis Ababa xubna Golaha Dhexe xisbiga talada haya ee Ethiopia.
Kulankaan ayaa waxaa ka soo baxay Qaraar lagu baahiyay warbaahinta Ethiopia, kaas oo sida Guddiga xisbiga Prosperity Party ee (PP) uu isku raacay in mid miro dhala loo baddelo heshiiskii is afgaradka ahaa dowladda Ethiopia iyo Somaliland ay kala saxiixdeen bilawgii bishan Janaayo.
Geeska kale waxaa xilkiisii iska casilay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ethiopia ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi Demeke Mekonnen, kaas oo kursigan fadhiyey muddo ku siman 11-sano, waxaana is casilaadiisa loo sababeynayaa inuu ku qanci waayey siyaasadda Abiy ee gobolka.
Is-casilaadiisa ayaa keeneysa in xilka uu ka tagay uu qabto Temesgen Tiruneh, madaxa sir dooonka Ethiopia, kaas oo siyaasad ahaan ay aad isugu dhaw yihiin Abiy Axmed.
Si kastaba arrintan ayaa muujineysa, in Itoobiya aanay weli ka tanaasulin damaceedii ahaa helida marin biyoodkii 20-km ahaa ee ay Somaliland kala heshiisay, xilli Caalamku uu ka digay in tallaabadan ay ku dhaqaaqdo Itoobiya.