Kooxda Chelsea oo sanadkan iska iibisay xidigo badan, ayaa soo gebagabeyneysa heshiiska ay kula soo wareegeyso da’yarka reer Brazil Ângelo.
Angelo ayey Chelsea kooxda Santos, ka siisatay €15m, waxaana la filayaa inuu dhawaan Blues u maro tijaabo caafimaad.
Chelse ayaa sidoo kale dooneysa in kooxda Newcastle ay ka dulqaado xidiga Brazil ka soo jeeda ee Matheus França. kaas oo u ciyaara naadiga Flamengo.
Blues ayaa damacsan in xidigan ay ku afduubato lacag u dhaxeysa €20/25m, oo ah qiimaha ay Flamengo dooneyso in ay ciyaaryahankan ka bixiso.
Kooxda AC Milan ayaa ku dhaw in ay la soo wareegto ciyaaryahanka kooxda AZ Alkmaar Tijjani Reijnders, waxaana in ay guuleystaan ku dhaw wada hadalada u socda AC Milan iyo AZ.
AlKamaar, ayaa qorsheyneysa in xidigan ay ka hesho lacag dhan €19m.
Sergio Ramos ayaa wada hadalo, kula jira Kooxda Inter Miami ee ka ciyaarta horyaalka MLS Mareykanka, waxaa sidoo kale jira labo koox oo ka dhisan Sacuudiga kuwaas oo xidigan daneynaya.