Waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu danbeeyey ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana qodobada aan idiin heyno ka mid ah.
Kabtankii kooxda Chelsea César Azpilicueta, oo si xor ah uga tagay Blues, ayaa ku biiray kooxda Atlético Madrid, isagoo maantana u saxiixaya heshiiskii uu kula joogi lahaa.
Agaasimaha kooxda Inter Ausilio ayaa muujiyey xiisaha ay kooxdiisa u qabto Lukaku, oo xili ciyaareedkan qaab amaah ah ugu ciyaarayey, wuxuuna Ausilio in arrinta Lukaku ay kala hadlayaan kooxdiisa Chelsea.
Chelsea ayaa 17jirka kooxda Everton Ishe Samuels-Smith ku soo iibsaneysa £4m, taas oo ka dhigan inuu saxiixo heshiis gaaraya ilaa sanadkan 2026.
Arda Güler ayaa ku biiray Real Madrid, oo Fenerbahçe uga iibsatay lacag dhan €20m, waana mid maraya beri tijaabada caafimaad.
Ludovic Blas ayaa ku biiraya Rennes, kadib heshiis rasmi ah oo ay la gaartay kooxdiisa on Nantes, waxaana la filayaa inuu dhawaan saxiixo heshiis, isagoo Nantes uga soo tagaya lacag dhan €15m.
Mitchel Bakker ayaa kooxdiisa Bayer Leverkusen ka tagay kadib markii €10m ay Atalanta ugu soo kaxesay horyaalka dalka Talyaaniga wareegay, waana mid u saxiixay durba heshiis 5 sano ah.