(Hortabin Media) – Wal wal aad u xooggan ayey wajahayaan madaxda iyo xubnaha Al Shabaab, kuwaas oo baqdin badan ka muujinaya duqeymaha dhanka diyaaradaha ee sida joogtada ah loogu garaacayo.
Kooxda ayaa dhawaan ka hadashay warbaahinta iyaga taabacsan, xilli ay walaac ka muujinayeen duqeymaha diyaaradaha ee lagu bartilmaameedsanyo Saldhigyadooda.
Al Shabaab oo isku muujineysa in ay shacabka u tureyso, ayaa warkooda ku sheegtay in duqeymahaasi ay waxyeelo ka soo gaareen dad rayid ah.
Kooxda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in ay ka dhiidhiyaan duqeymaha lagu beegsanayo rayidka, iyadoo la ogsoon yahay caddaadiska ay kala kulmyaan duqeymahaasi.
Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa joogta noqday duqeymaha lagu bartilmaameedsanayo Al Shabaab, kuwaas oo ay Soomaaliya ka caawinayaan dalalka Mareykanka iyo Turkiga oo taageero milatari siiya Soomaaliya.