Waxaa maanta magaalada Hargeysa tagtay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing, waxaana ay kulamo la yeelatay madaxda maamulka Somaliland.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing, waxaa kulanka ku wehlinayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.
Soo dhaweyn diiran kadib Catriona Laing ayaa kulan la yeelatay madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, kaas oo uu ujeedkiisu ahaa sagootin, maadaama ay haweeneydan ka tegeyso xafiiska kadib mudo sanad ah oo ay ka howlgaleysay Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Marwo Catriona Laing ayaa Somaliland ku boorisay in ay ka shaqeyso xasiloonida deeganada ay ka arrimayaan, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal iyo colaad hor leh.